Waxaa saacadihii la soo dhaafay magaalada Baydhabo ka billowday kulamo ballaaran oo looga hadlayo mustaqbalka wajiga cusub ee Koofur Galbeed, xilli ay magaalada ku soo qulqulayaan ururrada siyaasadda iyo musharrixiin kala duwan.
Kulamadan ayaa diiradda saaraya sidii bulshada Koofur Galbeed ay uga tashan lahayd geedi socodka siyaasadeed ee maamulka, gaar ahaan arrimaha la xiriira doorashooyinka soo socda ee heer deegaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isagu shalay gaaray Baydhabo, ayaa la kulmay mas’uuliyiin federaal ah iyo xubno ka tirsan maamulka Koofur Galbeed oo hore ugu sugnaa magaalada.
Wararka ayaa sheegaya in kulamada ugu muhiimsan ay la yeelanayaan qeybaha kala duwan ee bulshada, si loo dardar-geliyo qorshaha doorashooyinka dadweynaha ee lagu dooranayo xubnaha goleyaasha deegaanka.
Dhanka kale, ururrada siyaasadda ee diiwaangashan ayaa bilaabay inay xafiisyo ka furtaan Baydhabo, iyagoo isu diyaarinaya doorashooyinka la filayo inay dhowaan ka qabsoomaan gobolka.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koofur Galbeed ayaa xaqiijiyay in qorshuhu yahay in maalmaha soo socda la qabto doorashada goleyaasha deegaanka, taasoo la mid noqon doonta tii ka dhacday gobolka Banaadir dabayaaqadii sanadkii hore ee 2025.
Sidoo kale, Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa wada dadaallo la xiriira hirgelinta doorasho isku sidkan oo lagu dooranayo Golaha Wakiillada iyo goleyaasha deegaanka ee Koofur Galbeed.
Qaar kamid ah musharrixiinta ururrada siyaasadda ayaa iyaguna gaaray Baydhabo, iyagoo bilaabay furashada xafiisyo iyo abaabulka ololahooda, xilli weli laga sugayo guddiga doorashooyinka jadwalka rasmiga ah ee doorashada.
HBN ONLINE TV

