Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya waxaa ka qabsoomay kulan looga hadlay Mustaqbalka Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AUSSOM.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Wakiillo ka socda Dawladda Federaalka Soomaaliya, Hoggaanka howlgalka AUSSOM, Dalalka Ciidamada ku deeqay, Wadamada Afrika ku malata Golaha Ammaanka iyo Xubno kale oo ka socday Qaramada Midoobay.
War-saxaafadeed ka soo baxay kulanka ayaa lagu sheegay in diiradda lagu saarey sidii loo taageeri lahaa dhismaha Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, si ay awood ugu yeeshaan la wareegida Mas’uuliyadda Amniga Dalkooda.
“Kulankan ayaa qeyb ka ah wada-tashiyada istiraatiijiga ah ee uu Midowga Afrika si joogto ah u wado, kuwaas oo lagu taageerayo go’aan ka gaarista mustaqbalka ka-qaybgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri war Dowladda Soomaaliya ka soo baxay.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday sidii taageero dhaqaale loogu heli lahaa Ciidamada AUSSOM, xilli dhawaan Mareykanka joojiyay dhaqaalihii uu ku bixin jiray Xafiiska QM ee UNSOS.
Mareykanka ayaa tilmaamay in Balaayiin Dollar kaga baxday howlgallada amni ee ka socda Soomaaliya, isla markaasna Dowladda Federaalka looga baahan yahay in ay qaadato mas’uuliyadda Amniga dalkeeda.
HBN ONLINE TV

