Wadahadallo galay maalintii labaad oo Jabuuti ku dhexmaraya madaxda dalalka Geeska Afrika

Wada-hadallada u dhexeeya madaxda dalalka Geeska Afrika oo caawa ay u tahay habeenkiisii labaad, kana socda dalka Djibouti ayaa waxaa isku arkay Madaxweynayaasha Djibouti, Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Kulamadan oo aan wax badan oo faahfaahin ah laga hayn ayaa diiradda saaraya xoojinta amniga gobolka iyo iskaashiga dhaqaale ee dalalka Geeska Afrika. Kulan saddex-geesoodka ah oo xalay lagu qabtay Jabuuti, ayaa lagu falanqeeyay sidii dalalkaan uga wada shaqeyn lahaayeen caqabadaha amni iyo dhaqaale ee ka jira gobolka.

Bayaan ka soo baxay Madaxtooyada Jabuuti ayaa lagu sheegay in wada-hadalladu ku saleysan yihiin aragti mideysan oo lagu xoojinayo midnimada iyo iskaashiga dalalka gobolka.

Hoggaamiyeyaasha ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaaladda guud ee Geeska Afrika iyo isbeddellada ka socda caalamka, gaar ahaan saameynta xiisadaha ka taagan Bariga Dhexe ay ku yeelan karaan gobolka.

Dhanka kale, Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in ajendaha kulamada ay ka mid yihiin xasilloonida siyaasadeed, amniga gobolka iyo adkaynta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti. Booqashada Madaxweynaha Hassan Sheikh Mohamud ee Jabuuti ayaa lagu tilmaamay mid ku saleysan aragti wadaag iyo iskaashi, iyada oo laba dhinacba ay ka soo hor jeedaan aqoonsiga Somaliland ee Israel oo ay ku tilmaamaeen halis aad u weyn, balse ay dadaal ku bixin doonaan in laga hor tago.

Kulankan ayaa sidoo kale lagu sheegay inuu yahay dadaal lagu xoojinayo isku-duwidda amniga iyo is-dhexgalka dhaqaale ee dalalka Geeska Afrika, iyadoo Jabuuti ay door ka qaadaneyso fududeynta wada-hadallada u dhexeeya Addis Ababa iyo Mogadishu.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed