Wadahadallada madaxda DFS iyo isbahaysiga mucaaradka oo dib uga bilowday

Wadahadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS iyo isbahaysiga mucaaradka ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa dib uga billowday maanta Madaxtooyada Soomaaliya, kaddib kala maqnaansho socday seddex maalmood ah.

Goordhow ayaa xubnaha mucaaradka ee wadahadallada ku jira gaareen Madaxtooyada, iyadoo maanta diiradda la saarayo qodobo ay dhinacyadu ka soo tashadeen saacadihii lasoo dhaafay. Kulankan ayaa imaanaya xilli ay jiraan isfahan la’aan siyaasadeed oo u dhexeysa labada dhinac.

Wadahadallada ayaa diiradda lagu saarayaa arrimo xasaasi ah oo ay kamid yihiin siyaasadda guud ee dalka, doorashooyinka, dib-u-eegista Dastuurka iyo qodobo kale oo la rumeysan yahay inay dhalin karaan dood adag, maadaama Dowladda Federaalka iyo mucaaradku ay ka kala taagan yihiin aragtiyo kala fog.

Kulankan ayaa kaga duwan kulamadii hore, hab-raac ahaan, kaas oo dhigaya in marka qodob culus la horgeeyo mid ka mid ah dhinacyada, uu madasha ka sheegi karo inuu u baahan yahay waqti dheeri ah oo uu kaga tashado, ka hor inta uusan jawaab rasmi ah dib ugu soo celin wada-hadallada, sida ay ilo ka ag dhow kulamada xaqiijiyeen.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed