Wadahadaladii Xasan Sheekh & Axmed Madoobe oo fashil ku soo dhamaaday — maxay tahay sababtu?

Wadahadalladii u dhexeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Madoobe” ayaa si rasmi ah u burburay, kaddib markii ay ka socdeen muddo laba maalmood ah magaalada Kismaayo, balse la soo afmeeray iyada oo aan wax is-faham ah laga gaarin.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa Sabtidii shalay soo gaaray Kismaayo, iyagoo ujeedkoodu ahaa in la xalliyo khilaafka siyaasadeed ee muddada dheer ka dhexeeyey dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland. Wadahadalladii hore ayaa lagu tilmaamay kuwo deggan, iyadoo labada dhinacba muujiyeen rajo iyo diyaar u ahaansho wadatashi dheeraad ah mustaqbalka.

Madaxtooyada Soomaaliya oo si kooban uga hadashay wadahadallada ayaa ku gaabsatay in laga sameeyay wax horumar ah, iyadoo lagu ballamay in wadatashiyadu sii socdaan, dibna la iskugu soo noqdo si loo sii ambaqaado geeddi-socodka wada hadalka.

Si kastaba ha ahaatee, ilo ku dhow labada wafdi ayaa xaqiijiyey in wadahadalladu gebi ahaanba fashilmeen, kadib markii labada hoggaamiye ku guuldareysteen inay ka heshiiyaan khilaafka siyaasadeed ee qotada-dheer. Fadhigii ugu dambeeyey oo dhacay fiidnimadii Isniinta, kaasoo uu goob-joog ka ahaa Madaxa Sirdoonka Kenya Nuurdiin Xaaji, ayaa ku dhammaaday is-fahan la’aan iyo jawi cabsi iyo kalsooni darro ay hareeyeen.

Qodobka ugu weyn ee khilaafka dhaliyey wuxuu ahaa doorashadii muranka dhalisay ee Jubbaland ka dhacday dabayaaqadii sannadkii hore Kismaayo, taasoo Axmed Madoobe ku guuleystay. Villa Soomaaliya ayaa weli ku doodaysa in doorashadaasi ahayd mid sharci-darro ah oo aan waafaqsaneyn heshiisyadii lagu dejiyey hannaanka doorashada.

Dhanka kale, maamulka Jubbaland ayaa si cad u diiday in arrintaas dib loo furo, iyagoo ku tilmaamay “go’aan siyaasadeed oo kama dambeys ah oo ay gaareen shacabka Jubbaland.”
Dadaalladii dhexdhexaadinta ee dowladda Kenya ayaa ku dhamaaday guul darro, iyadoo la sheegay in kulankii ugu dambeeyey uu ku soo idlaaday iyadoo labada madaxweyne ay kala dhaqaaqeen, mid walbana uu ku adkeystay mowqifkiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda ka dhoofay garoonka diyaaradaha Kismaayo, taasoo si rasmi ah u soo afjartay booqashadiisii Jubbaland. Safarkiisa ayaa ku soo dhammaaday saacado kaddib markii kulankii saddexaad ee uu la yeeshay Madaxweyne Axmed Madoobe uu natiijo la’aan ku dhamaaday, inkastoo ay ku lug lahayd dowladda Kenya.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho maanta, isaga oo la yeelan doona kulan degdeg ah xubnaha golaha wasiirrada iyo Golaha Wadatashiga Qaranka, si loo qiimeeyo saameynta siyaasadeed ee ka dhalatay fashilka wadahadallada.

Dhankiisa, Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in maamulkiisu uusan mar dambe ka qeyb geli doonin wax wadahadal ah ilaa dowladda federaalka ay si rasmi ah u aqbasho natiijadii doorashada Jubbaland iyo madax-bannaanida maamulka.

Fashilka wadahadallada Kismaayo ayaa loo arkaa hoos-u-dhac weyn oo ku yimid dadaalladii dib-u-heshiisiinta dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, iyadoo ay sii xoogeysanayaan kala qaybsanaanta siyaasadeed ee dalka.

Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa sheegay in arrintani ay muujinayso “caqabadaha weli hortaagan geeddi-socodka dhismaha dowladnimada Soomaaliya.”

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed