Warbaahinta Iiraan ayaa xaqiijisay in wadahadallo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iiraan ay dhici doonaan Jimcaha, waxaana ay dhexmari doonaan saddexda waddan ee Yurub ka tirsan oo kala ah Britain, Faransiiska iyo Jarmalka — sida laga soo xigtay Ismaaciil Baqaei oo ah afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Iiraan.
Afhayeenka ayaa sheegay in kulankan uu noqon doono heer wasiir-ku-xigeen arrimo dibadeed. Wadahadalladan ayaa imaanaya dhowr maalmood uun kadib markii wasiirrada arrimaha dibedda ee saddexda dal ee Yurub iyo madaxa siyaasadda arrimaha dibedda ee Midowga Yurub, Kaya Callas, ay taleefan ku wada hadleen Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Iiraan, Cabbaas Caraqji — waa wadahadalkoodii ugu horreeyay tan iyo weerarkii Israel iyo Mareykanku ku qaadeen xarumaha nukliyeerka ee Iiraan bishii la soo dhaafay.
Saddexda wadan ee reer Yurub, oo ay wehliyaan Shiinaha iyo Ruushka, waa dhinacyada weli qayb ka ah heshiiskii nukliyeerka ee 2015 ee lala galay Iiraan, kaas oo Mareykanku ka baxay sannadkii 2018. Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay in uu dib u soo celin doono cunaqabateyntii Qaramada Midoobay ee Tehran iyada oo la adeegsanayo nidaamka dib-u-cusboonaysiinta marka la gaaro dhammaadka bisha Agoosto, haddii aan dib loo bilaabin wadahadalladii nukliyeerka ee u dhexeeyay Iiraan iyo Mareykanka ka hor dagaalkii ka dhex qarxay Israel iyo Iiraan, ama haddii aan la gaarin wax natiijooyin muuqda ah.
Caraqji ayaa dhawaan sheegay: “Haddii Midowga Yurub iyo saddexda waddan ee Yurub doonayaan in ay door ka ciyaaraan arrintan, ay tahay in ay si mas’uuliyad leh u dhaqmaan oo ay joojiyaan siyaasadaha duugoobay ee hanjabaadda iyo cadaadiska,” isagoo si gaar ah u xusay siyaasadda dib-u-cusboonaysiinta cunaqabateynta, taas oo uu ku tilmaamay “mid aan lahayn sal qaanuun iyo mid anshax toona.”
Sida ku cad qaraarka Qaramada Midoobay ee taageeray heshiiskii nukliyeerka 2015, saddexda waddan ee Yurub ayaa awood u leh in ay dib u saaraan Tehraan cunaqabateynta Qaramada Midoobay marka la gaaro 18-ka Oktoobar 2025.
Ka hor dagaalkii Iiraan iyo Israa’iil, Tehran iyo Washington waxay yeesheen shan wareeg oo wadahadallo nukliyeer ah oo uu dhexdhexaadinayay dalka Cumaan, balse waxaa hor istaagay caqabado waaweyn sida arrinta ku saabsan kobcinta uranium-ka Iiraan — taasoo quwadaha reer Galbeedku doonayaan in ay si buuxda loo joojiyo si looga hortago suurtagalnimada hub nukliyeer ah.
Tehran waxay marar badan ku adkaysatay in barnaamijkeeda nukliyeerku ujeedadiisu tahay u adeegidda shacabka iyo isticmaalka madaniga ah oo keliya.
HBN Online TV