Wadahadaladii Ankara ee Soomaaliya & Itoobiya oo natiijo la’aan ku soo dhammaaday xilli madaxweyne Xasan Sheekh uu daboolka ka qaaday caqabadaha jira

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa walaac ka muujiyay sida ay Itoobiya uga go’an tahay heshiiska is-afgaradka (MoU) ee ay la saxiixatay Somaliland, kaddib wadahadallo aan natiijo lahayn oo uu Turkigu dhexdhexaadiyay oo ka dhacay Ankara. Wadahadalladan oo lagu doonayay in lagu xalliyo xiisadaha diblomaasiyadeed ayaa ku dhammaaday natiijo la’aan.

Xasan sheekh oo ka hadlayay  magaalada Muqdisho, ayuu ku nuux-nuuxsaday inaysan muuqan calaamad muujinaysa inay Itoobiya doonayso inay dib u eegis ku sameyso Is-afgaradkii muranka dhaliyay. “Ma jiraan wax calaamado ah oo muujinaya in i Itoobiya ay dib uga laabanayaan waddadaas,” ayuu yiri, isaga oo iftiimiyay arrinta caqabadda ku ah horumarkii wadahadalladii Turkiga.

Wadahadalladii dhacay July 1, 2024, ayaa waxaa ka qeyb galay wufuud ka kala socotay Itoobiya iyo Soomaaliya, balse ma jirin xiriir toos ah oo labada dhinac dhexmaray. Turkigu waxa uu u dhaqmay sidii dhexdhexaadiye, isaga oo fududaynaya wadahadallada lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadaha diblomaasiyadeed iyo kobcinta xasilloonida gobolka.

Madaxweyne Xasan ayaa shaaca ka qaaday in Itoobiya ay tahay cidda ka codsatay dhexdhexaadinta Turkiga ee wadahadalada. Itoobiya ma muujin dareen ah oo ay kaga baxayso heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay la gashay Somaliland, taasina waxay keentay ugu dambayntii in uu fashil ku yimaado wadahadalladii u horreyay, sida ay sheegeen diblomaasiyiin arrintaan la socday.

Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay in labada wafdi ay dib ugu laaban doonaan dalalkooda si ay wadahadalo dheeraad ah uga yeeshaan, ka hor inta aan la gaarin wareega labaad ee wadahadalka oo la qorsheeyay 2-da September 2024, inuu ka dhaco Ankara. Hadafka ayaa weli ah in colaadda la joojiyo, lagana shaqeeyo sidii xal nabadeed loogu heli lahaa colaadda.

Heshiiskii Is-afgaradka ahaa ee 1-dii January 2024 ay wada saxeexdeen Itoobiya iyo Somaliland, waxa uu ahaa qodob ay diiday  dowladda Soomaaliya oo heshiiskaas u aragta mid xad-gudub ku ah madaxbannaanideeda. Khilaafka dublamaasiyadeed ayaa hoosta ka xariiqaya qalafsanaanta siyaasadeed ee gobolka Geeska Afrika, halkaas oo murannada taariikhiga ah iyo dhuleed inta badan ay caqabad ku yihiin horumarka nabadda iyo iskaashiga gobolka.

Doorka Turkiga ee dhexdhexaadin ahaan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah fududaynta dadaalladan iyo hubinta in labada dhinacba ay ka go’an tahay wada-xaajood nabadeed.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed