Wabiga Shabeelle ayaa saacadihii la soo dhaafay ku fatahay deegaano ku dhow dhow magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe, sida ay sheegeen masuuliyiinta degmadaasi.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha ee Maamulka Hirshabeelle Maxamed Bashiir Qaasim Daqare ayaa sheegay in Fatahaada ay saameeyeen deegaano badan oo ay ka mid yihiin Baarey, Mareerey, Kuukaay, Mandheera, Xawaadley, iyo Bayaxaw.
“In kasta oo maamulka deegaanka uu dadaal xooggan ugu jiro sidii looga hortagi lahaa fatahaadda wabiga, haddana roobabkii ka da’ay guud ahaan dalka ayaa sababay in wabiga uu buux dhaafo,” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Labo maalmood ka hor, Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SODMA) ayaa soo saartay digniino hore oo fatahaado ah, iyadoo saadaalisay saameynta ay yeelan karto toddobaadka ugu dambeeya ee Abriil. SoDMA waxay ku nuuxnuuxsatay dhibaatooyinka ka dhalan kara degmooyinka sida Jowhar, Beledweyn, Buulaburde, Luuq, Doolow, iyo magaalooyinka kale ee waaweyn, gaar ahaan gobollada aan sida caadiga ah lahayn webiyada, gaar ahaan Bay, Bakool, Gedo iyo Jubbada Hoose.
Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee OCHA ayaa isna ka dhawaajiyay qeylo dhaantaasi Axadii, waxay saadaaliyeen in roobabka guga ee soo socda iyo fatahaadaha 22 degmo ee Soomaaliya ay saameyn karaan ku dhawaad 770,000 oo qof.
HBN NEWS DESK