Xaalad deggenaan ah ayaa dib ugu soo laabatay xarunta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, kadib buuq iyo gacan ka hadal saakay ka dhacay xarunta, iyadoo ilo-wareedyo baarlamaan ay xaqiijiyeen in ciidamada ammaanka laga saaray gudaha hoolka.
Furitaanka kalfadhiga baarlamaanka ayaa dib u dhacay saakay, kadib markii xildhibaano mucaarad ah ay isku dayeen inay hor istaagaan furitaanka kulanka. Goobjoogayaal ayaa sheegay in xildhibaano ka soo horjeeday kulanka ay isugu tageen goobta hadal-jeedinta, isla markaana ay kuraas dhigteen kadinka hore si ay u carqaladeeyaan bilaabista shirka.
Kadib buuqaasi, ciidamo booliis ah ayaa la geliyay gudaha baarlamaanka si ay u xakameeyaan xaaladda, taasoo keentay is jiid-jiid iyo muran hor leh. Xildhibaano mucaarad ah ayaa ku eedeeyay ciidamada booliiska inay adeegsadeen xoog xad-dhaaf ah, halka muuqaallo si weyn loogu baahiyay baraha bulshada ay muujinayeen xildhibaano iyo ciidamo is jiidaya, iyadoo sawaxan, qaylo iyo firimbi ay ka yeerayeen hoolka.
Si kastaba ha ahaatee, xaaladda ayaa markii dambe degtay, waxaana Muuqaallo lagu duubay xarunta baarlamaanka iyo warar laga helay ilo gudaha ah ay muujinayaan in ciidamada booliiska laga saaray hoolka baarlamaanka, taasoo keentay in xildhibaanadu dib ugu laabtaan kuraastooda, isla markaana la bilaabo diyaargarowgii furitaanka kulanka.
Sida ay sheegeen masuuliyiin baarlamaan, ajandaha kulanka ayaa la filayaa inuu diiradda saaro ka doodista wax ka beddelka dastuurka ku meel gaarka ah, gaar ahaan cutubyada 5-aad ilaa 9-aad, kuwaas oo la xiriira nidaamka dowladnimo iyo awood qaybsiga.
Xildhibaanada mucaaradka ah ayaa si adag u dhaliilay hanaanka wax ka beddelka dastuurka, iyagoo ku eedeeyay xukuumadda inay waddo isbeddello ka baxsan sharciga iyo wadatashi siyaasadeed oo ku filan. Waxay sheegeen in isbeddellada la dedejinayo, isla markaana aysan waafaqsanayn habraacyada dastuuriga ah.
Dowladda Faderaalka ah weli kama aysan hadlin si rasmi ah dhacdooyinkii ugu dambeeyay, balse horay ayay u sheegtay in dhammeystirka dib u eegista dastuurka uu yahay mid muhiim u ah dhismaha dowladnimo ee Soomaaliya.
Tani waa markii labaad oo maalmo gudahood buuq iyo fowdo ay hareeyaan shaqada baarlamaanka, taasoo dhalisay falcelin ballaaran oo dadweynaha ah. Qaar badan oo Soomaali ah ayaa baraha bulshada ku muujiyay walaac iyo caro, iyagoo ku tilmaamay dhacdooyinka kuwo aan la aqbali karin.
Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa sheegaya in inkastoo xaaladdu hadda degan tahay, haddana khilaafaadka soo noqnoqda ee baarlamaanka ay halis u yihiin inay wax yar wiiqaan kalsoonida dadweynaha, isla markaana ay sii adkeeyaan xaaladda siyaasadeed ee jilicsan ee dalka, iyadoo indhaha lagu hayo in kulanka uu u socon karo si caadi ah maalmaha soo socda.
HBN ONLINE TV

