Xaaladda deegaanka Raas-Kambooni ee degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose ayaa saaka degan ka dib maalmo hadal heyn ka dhalatay ciidamo la geeyey ay qabsatay indhaha Bulshada.
Wariyaasha ku sugan deegaanka oo ka warbixiyey sida jawiga yahay iyo waxa ku soo kordhay ayaa sheegay in saaka Raas-kambooni wax cusub ku soo kordhin, tani iyo siidii loo geeyey ciidamada dowlada oo dhanka Jubbaland kaga soo biirayey.
Dhamaadka bishii hore aya dowladda Soomaaliya ka dejisay Garoon Macmal ah ciidamo diyaarad lagaga qaaday Mqudisho, taasi oo maamulka Jubbalnad ay ku sheegtay in ay horseedi karto dhibaato deegaanka ka dhacda, haddii waxa halkaa ka socda la jooji waayo.
Wixii ka dambeeyey 25-kii bishii aan soo dhaafnay ee Nofeembar waxaa ciidamada dowladda safkooda ku biirayey tobanaan ka tirsanaa kuwa Jubbaland, iyada oo hadal heynta ka dhalatay loo fasiray meelaha qaar in dhanka siyaasadda lagu kala adkaaday.
Ciidamadaasi tagay waxaa ay sababeen silsilado maalmo socday oo deegaanka ku tagay Bad iyo barri, kuwaa oo shalay raacii ugu dambeeyey dowladda Soomaaliya ku dartay galka diwaanka Ciidamada, halka ay ku boorisay kuwa dhimanna in safka dowladda soo galaan.
Maamulka Jubbaland ayaa horay ugu eedeeyey dowladda sida hadalka loo dhigay ku tagrifal awoodeed iyo in ciidamada qaranka la kala dhantaalayo, inkasta oo DFS wax jawaab ah arinkaa ka bixin.
Saraakiisha ciidamada ku soo biiray dowladda ayaa sheegay in wax xaquuq ah aanay ka heli jirin sida ay carrabaabeen maamulka ay safkiisa ka soo bexeen.
Taliska lagu unkay deegaanka Raas-kambooni oo ka hadlay u jeedkooda ayaa tilmaamay in howlgalka ATMIS ay kala wareegi doonaan sugidda amniga deegaannada ay baneeyeen ee Jubbaland.
Raas kambooni waa deegaan hoostaga degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo qiyaastii 274 Kilomitir koonfurta kaga beegaan magaalada Kismaayo.
HBN ONLINE TV