Kadib Dagaal culus oo markale ka qarxay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo oo u dhexeeyey ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo kuwa maamulka Jubbaland, waxaa caawa degan xaaladda maagalada. Iska horimaadka oo si gaar ah uga dhacay agagaarka xerada ciidamada ee loo yaqaan “UK” ayaa la soo sheegay in uu ku fiday qaybo ka mid ah gudaha iyo daafaha magaalada, iyadoo la isku adeegsaday hub culus.
Xaaladda Beledxaawo oo ah mid saacad walba wax dhici karaan, iyadoo ay adag tahay in si toos ah loo helo xogta dhabta ah ee dagaalka, maadaama isgaarsiinta magaalada ay go’an tahay. Si kastaba ha ahaatee, ilo wareedyo gudaha ah ayaa xaqiijiyay in dagaalku si toos ah ugu dhexmaray ciidamada DFS oo uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan ahne taliyaha cusub ee hay’adda NISA ee Jubbaland, iyo ciidamada Jubbaland oo iyaguna dhinacooda weerar ah.
Cabdirashiid Janan ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada Jubbaland ay weerar kusoo qaadeen xerada ay ku sugnaayeen, ka hor intii aanay jarin isgaarsiinta. Wuxuu xusay in uu amray ciidamadiisa in ay difaac sameeyaan, isagoo xaqiijiyay dhaawacyo soo gaaray, balse ka gaabsaday in uu faahfaahin ka bixiyo khasaaraha dhimashada ee dhinaciisa.
Dhinaca kale, Wasiirka Warfaafinta Jubbaland Cabdifitaax Mukhtaar ayaa si adag u dhaliilay DFS, isagoo ku eedeeyay in ay iyadu bilaawday sida uu hadalka u dhigay weerarka Beledxaawo. Wasiirku wuxuu ku eedeeyay dowlada “in jariimo ay ka geysatay gobolka Gedo”, isagoo ku adkaystay in Jubbaland ay doonayso nabad iyo xal siyaasadeed balse DFS ay diidan tahay sida uu warka u dhigay in arrimaha gobolka si wadajir ah loo maareeyo.
Sidoo kale, Jubbaland waxay sheegtay in xal nabadeed uu suuragal noqon karo kaliya, haddii Jubbaland laga tixgeliyo maamulka gobolka Gedo, iyadoo diidan in dowladda dhexe si toos ah ula wareegto maamulka gobolka.
Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in ciidamo gurmad ah oo ka kala yimid degmooyinka Doolow iyo Ceelwaaq ay gaareen Beledxaawo, taasoo muujinaysa in dagaalka uu sii fidi karo. Dadka deegaanka ayaa si weyn uga barakacay magaalada, iyadoo xaalad bani’aadanimo oo aad u liidato ay ka taagan tahay halkaas. Xogta ugu damebeysa ayaa sheegaysa in isgaarsiinta oo aheyd isha nolasha dadka ay maqan tahay, maadama lacagaha ay wax ku kala gataan ay ku xanibantay.
Dagaalkan ayaa noqonaya kii afaraad oo ka dhaca magaalada Beledxaawo muddo 10 cisho gudahood ah, taasoo muujinaysa heerka sare ee khilaafka iyo khatarta amni ee gobolka Gedo ka taagan.
Illaa hadda xal siyaasadeed oo rasmi ah looma helin xiisaddan, iyadoo labada dhinac ay weli ku kala feker duwan yihiin cidda xaq u leh maamulka iyo amniga gobolka.
HBN ONLINE TV