Maamulka Jubbaland ayaa maanta ku dhawaaqay inay si buuxda ula wareegeen xarunta degmada Beledxaawo iyo guud ahaan ammaanka magaalada, kaddib dagaal culus oo shalay halkaasi ku dhexmaray ciidamada Jubbaland iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wararka ugu dambeeya ee laga helayo Beledxaawo ayaa tilmaamaya in xaaladdu hadda degan tahay, inkastoo ay socdaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan ciidamada Jubbaland. Muuqaallo ay baahiyeen warbaahinta afka maamulka ku hadasha ayaa muujinaya saraakiil Jubbaland ka tirsan oo ku sugan goobihii lagu dagaallamay, taasoo muujinaysa sheegashada maamulka ee xukunka degmada.
Dhanka kale, muuqaal si weyn ugu faafay baraha bulshada ayaa muujinaya diyaarad helicopter ah oo ka duuleysa Beledxaawo, iyadoo laga dhex maqlayo rasaas xooggan. Dad goob-joogayaal ah ayaa sheegay in diyaaraddu ay waday Cabdirashiid Janan oo sida la sheegay magaalada ka baxay, iyadoo aan faahfaahin rasmi ah laga helin sababta bixitaankiisa. Ilo wareedyo kale ayaa sheegay in Janan uu ku sugnaa xerada UK ee magaalada tan iyo xalay, halkaas oo ay gacanta ku hayaan ciidamada federaalka.
Dagaalkii shalay ka dhacay Beledxaawo ayaa sababay dhimashada ugu yaraan afar qof iyo dhaawaca tiro kale, sida laga soo xigtay ilo caafimaad iyo dad deegaanka ah. Waxaa la sheegay in falkan uu ka dhashay muran la xiriira magacaabista Cabdirashiid Janan oo lagu sheegay in loo xil saaray madaxnimada NISA ee gobolka Gedo, arrin keentay is-maandhaaf culus oo isu beddeshay iska horimaad hubeysan.
Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarka, iyadoo eedeyn toos ah u jeedisay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), kuna tilmaantay falkaasi mid khatar ku ah xasilloonida iyo badbaadada shacabka. Dhinaca kale, Jubbaland waxay ku andacoodeen inay “si xooggan isu difaaceen” ka dib faragelin ay sheegtay in Dowladda Federaalka ay ku samaynaysay maamulka gobolka Gedo.
Xubnaha mucaaradka ah ee Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa sidoo kale si adag u cambaareeyay dagaalka, iyagoo ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo colaadaha, lana ilaaliyo midnimada shacabka Soomaaliyeed, ayna sii socdaan dadaallada nabadda iyo dowlad-dhisidda.
HBN ONLINE TV