Waa side xaalada Laascaanood ee caawa ? Dagaalka oo galay maalintii 21-aad

Xaalad dagaal iyo dhiilo colaadeed ayaa caawa laga dareemayaa magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, halkaasi oo dagaalo xooggan ay ka socday maalintii 21-aad.

Dagaalada u dhaxeeya ciidamada Somaliland & Jabhada SSC ee doonaysa in Somaliland ka baxdo gobolka ayaa khasaaraha ka dhashay uu kordhayaa maalinba maalinta ka dambaysa.

Maanta dagaalku wuxuu ku fiday goobo cusub ee dhanka Galbeed ee xaafada loo yaqaan Yagoori Cadhootay gaar ahaan xerada Guulwadayaasha oo ahaa saldhig ay ku sugnaayeen ciidanka Mahad Cambaashe oo taabacsan Somaliland.

Dagaal socday muddo ku dhow laba saacadood oo ka dhacay saldhigaasi ayaa ugu dambeyn xooggaga SSC waxay ku qabsadeen saldhigaas iyo tobaneeyo gaadiidka dagaalka oo ay ku jiraan Taangiyo ama dabaabadka dagaalka.

Cabdirisaaq Maxamed Xasan, oo ah afhayeenka guddiga saddex iyo soddonka oday dhaqameedka ee reer Laascaanood, ayaa dhanka Somaliland ku eedeeyey inay weerarka saaka soo qaadeen, isagoo intaasi ku daray in Somaliland madaafiic ku soo rideen xaafadaha magaalada.

Laakiin sarkaal ka tirsan ciidamada Somaliland oo saxaafada la hadlay ayaa isaguna ku eedeeyay dhinaca ka soo horjeeda oo ku sheegay maleeshiyaad ay ku dhex jiraan AlShabaab ay soo weerareen saldhig ciidankoodu ku leeyihiin magaalada, waxaana uu sheegay in ciidanku is difaacay oo ay jabiyeen kooxdii soo weerartay.

Somaliland waxay kaloo sheegtay in dagaalka Laascaanood ay qayb ka yihiin ciidamo ka tirsan Puntland, kuwaasi oo duullaan ku soo qaaday saldhiga Tukaraq. War saxaafada loogu tala galay oo ka soo baxay wasaaradda Gaashaandhiga ee Somaliland ayaa lagu yiri

“Ciidanka Qaranka JSL ee ku sugan Tukaraq waxa maanta weerar ku soo qaaday maleeshiyaad ka soo duulay Maamul Goboleedka Puntland ee Soomaaliya, Ciidanka Qarankuna waxay dib u celiyeen oo ay iska difaaceen maleeshiiyaadkii weerarka soo qaaday”

Puntland warsaxaafadeed ay soo saartay waxay sheegtay in dagaalka Laascaanood uu u dhaxeeyo dadka deegaanka. Warsaxaafadeed ka soo baxay Puntland ayaa lagu yiri;

“Dagaalka gumaadka ah ee uu maamulka Somaliland ka wado magaalada Laascaanood waxa uu u dhaxeeyaa: Dadka deegaanka oo ka gadooday Dilal qorshaysan, xarig iyo tacadiyo kale-gedisan iyo maamulka Somaliland oo doonaya in ay qori caaraddiis ugu khasbaan mashruucooda gooni-goosadka ah, una hor istaagaan rabitaanka shacabka oo ah in ay qayb ka noqdaan midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed”

Halkan ka daawo warsaxaafadeedka Gudoomiyaha Baarlamanka

Dad xog ogaal ah oo ku sugan magaalada Laascaanood oo la hadlay telefishinka HBN ayaa inoo xaqiijiyeen in ciidamadii Mahad Cambaashe laga saaray saldhiga Guulwadayaasha ka dib dagaal culus oo maanta barqadii ka dhacay aaggaas, isla markaana laga qabsaday hub iyo saanad dagaal.

Dhimashada dagaalkii maanta ayaa waxay ka badan tahay 50 qof oo u badan dhinacyadii dagaalamayay waxaase jira khasaare soo gaaray dadka rayidka ah.

Wararkii ugu dambeeyey ee na soo gaaraya ayaa sheegaya in labada dhinac caawa wadaan dhaqdhaqaaq ciidan waxaana soo gaaraya ciidamo gurmad ah, iyadoo laga cabsi qabo in dagaalku sii xoogaysto maalmaha soo socda.

HBN News Desk.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed