Waa maxay sababta ay u bateen diyaaradaha adeegsanayo hawada dalka Afgaanistaan?

Iyadoo xiisada ka aloosan gobolka Bariga Dhexe ay ka sii darayso isla markaana Israa’iil ay wacad ku martay inay ka aargudan doonto Iiraan, weerarkii gantaal ee habeenimadii Talaadada ay ku qaaday saldhigyada ciidanka & goobaha xasaasiga ah ayaa waxaa hadda lagu dhawaaqay in laga bilaabo caawa 9-ka fiidnimo ilaa 6-da subaxnimo ee beri ay gabi ahaanba hawada Iiraan mari karin wax diyaarad ah.

Go’aankan ayaa ka soo baxay hay’adda duulista hawada ee dalka Iiraan, lamana sheegin sababta ka dambeysay arrintan, waxaase ay ku soo aadaysaa iyadoo toddobaadkan badi diyaaradahu ay ka weecanayeen hawada Iiraan, iyagoo intooda badan marayaan hawada dalka Afgaanistaan.

Shirkado diyaaradeed oo badan, sida Swiss Airlines, British Airways, Lufthansa iyo kuwa kale, ayaa ka fogaaday inay sii maraan hawada Iran, iyagoo u jihaystay hawada Afqaanistaan, taasi oo faa’ido badan ay ka helayaan dowladda Taliban ee Afgaanistaan ka talisa, sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay wargeyska The Independent ee magaalada London ka soo baxa.

Hawada dalka Afgaanistaan ayaa diiwaan galisay tiradii ugu badneyd ee diyaaradaha caalamiga ah oo mara tan iyo markii kooxda Taliban ay la wareegtay maamulka dalkaasi seddex sano ka hor.

Masuul ka tirsan Shirkada FlightRadar24 ee duulimadka diyaaradaha xogtoosa soo gudbisa, ayaa sheegay in shirkaduhu “doorteen hawada Afgaanistaan sababtoo ah waxay ka ammaan badan tahay, marka loo eego hawada dalalka kale ee Bariga Dhexe,” isagoo xusay in go’aankan uu yahay “isku dheelitirnaanta khatarta” ee ka dhalanaysa xaaladda gobolka.

Khubarada ayaa tilmaamay in duulista meelaha ay colaaduhu ka jiraan ay halis tahay, waxaana jiray shilal hore oo dhacay oo ay ka mid yihiin soo rididii diyaaradda Malaysian Airlines ee MH17 ee dul mareysay hawada Ukraine.

Maalintii Khamiista, 191 duulimaad oo caalami ah ayaa ka gudbay hawada Afgaanistaan, iyadoo halkii shirkad ay bixisay $700 duulimaadkiiba, sida ay sheegtay Wasaaradda Duulista Hawada ee Taliban.

Duulimaadyada diyaaradaha ayaa horey waxay uga fogaadeen isticmaalka hawada Afgaanistaan ka dib markii ay Taliban la wareegtay maamulka dalkaasi bishii Agoosto 2021, sababo amni dartood, iyo beesha caalamka oo dooneysay inay cadaadis ku saarto dhaqdhaqaaqa in aanu heln dakhliga ka soo gala kharashka ku safrida hawada Afgaanistan. Laakiin xaalada iminka ka aloosan Bariga Dhexe ayaa sababtay in shirkadaha ku qasbanaadaan inay raadiyaan waddooyin ammaan ah.

Inkasta oo dakhliga ka soo xaroonaya diyaaradaha aanu ahayn mid aad u badan marka loo eego baahida Taliban, haddana waa il muhiim ah, iyadoo dakhligu uu gaari karo 50 milyan oo doolar sannadkii haddii diyaaraduhu sii wadaan adeegsida hawada Afgaanistan sida hadda ay u adeegsanayaan.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed