Waa kuma taliyaha cusub ee loo magaacabay Milateriga Soomaaliya?

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay xogta taariikh ee Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud oo loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, kadib markii soo jeedin iyada ka timid lagu ansixiyey inuu xilkaasi qabto, xilli uu dalka ku jiro dadaallo lagu xoojinayo dib-u-dhiska, tayaynta, iyo hufnaanta hoggaanka ciidanka qaranka.

Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed ayaa la sheegay in uu ciidanka ku jiray ku dhowaad 18 sano, tan iyo sanadkii 2009-kii, isaga oo soo maray xilal kala duwan oo muhiim ah. Waxyaabaha lagu xushay ayey ku sheegtay Wasaraddu hoggaaminta ciidanka, qorshaynta wadajirka ah iyo maamulka difaaca ee heer istaraatiiji ah.

Waxbarashadiisa Ciidan: Taliyaha cusub waxa uu helay sida xusan warka Gaashaandhigga tababaro ciidan oo heer sare ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin: Koorso Sarkaal Ciidanka Lugta oo ahayd (2006–2007), tababar Taliye Horin (2010–2011), Koorso Taliye Urur (2015–2016), Kuliyadda Saraakiisha ee Jaamacadda Difaaca Turkiga (2019–2020), & Master Ciidan Cilmiga Amniga oo uu ka helay Jaamacadda Difaaca Turkiga (2019–2020)
Sidoo kale, waxbarashada rayidka ah ayaa la tilmaamay in Sarreeye Guuto Ibraahim uu leeyahay Shahaado Sare oo Cilmiga Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamiga ah, kana qaatay Jaamacadda Sabahattin Zaim ee Turkiga, Shahaado Jaamacad oo Maamulka Dadweynaha (Bachelor Degree – BA), oo uu ka helay Jaamacadda Muqdisho ee Soomaaliya.

Dhanka kale, xogta la siidaayey ayaa lagu soo daray in intii uu ku jiray shaqada ciidanka uu soo qabtay xilal kala duwan oo istaraatiiji ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin: Taliyaha Taliska Taakuleynta CXDS (2024–2026), Madaxa Shaqaalaha Qaybta Qorshaynta, Ciidanka Rigliga Bariga Afrika (EASF), Nairobi (2022–2024), Madaxa Kabinetka Xafiiska Taliyaha CXD (2021–2022), Madaxa Maaliyadda & Maamulka (Chief J8), Taliska Guud (2019–2021), Ku-xigeenka Madaxa Hogaanka Ciidanka (Deputy J1), Taliska Guud (2018–2019), Sarkaal Qorshaynta & Isku-dubbaridka Amniga, Xafiiska Madaxa Shaqaalaha, Madaxtooyada (2017–2018) iyo Taliyaha Ururka Layli-saraakiisha ahna ku-simaha Taliyaha Kuliyadda (2015–2017).

Magacaabista Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed oo lagu bedelay taliye Odowaa Yuusuf Raagge ayaa loo arkaa mid muujinaysa sida ay DFS ay sheegtay dadaalka ay ku doonayso in ay ku hoggaamiso Ciidanka Xoogga Dalka, hoggaan leh aqoon, khibrad, iyo aragti istaraatiiji ah. Khibraddiisa ciidan iyo tan aqooneedba waxa laga filayaa in ay door weyn ka qaadato sida ay sheegtay Wasaradda Gaashaandhigga xoojinta amniga, dib-u-habaynta CXDS, iyo gaarista himilooyinka amni ee qaranka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed