Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya xmed Macalin Fiqi, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Muqdisho ku faahfaahiyey howlgal amni oo todobaadkan horaantiisii lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay deegaan istiraatiiji ah oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose.
Wasiir Fiqi ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay horjooge Cabdullaahi Xasan Cabdi Cosoble, oo ku magac dheeraa Cabdullaahi Wadaad, ay fuliyeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah. Howlgalka ayaa ka dhacay deegaanka Kunyo-Barow, oo qiyaastii 250km koonfur-galbeed kaga beegan caasimadda Muqdisho, waxaana wasiirku xusay in weerarkaasi si gaar ah isaga loogu bartilmaameedsaday, kuna soo dhammaaday guul.
Wasiirka ayaa ku eedeeyey horjoogaha la dilay inuu muddo dheer ku lug lahaa dilal, dhac, baad iyo handaad joogto ah oo loo geysan jiray shacabka iyo ganacsatada gobolka Shabeellaha Hoose. Waxa uu tilmaamay in Cabdullaahi Wadaad uu intii u dhexeysay 2017 illaa 2025 ka masuul ahaa qeybta dakhliga kooxda Al-Shabaab, oo loo yaqaan Sakawaadka, islamarkaana uu si toos ah ugu lug lahaa dilal loo geystay ganacsato, qaraxyo lagu burburiyey goobo ganacsi iyo cabsi gelin baahsan.
Sidoo kale, Wasiir Fiqi ayaa sheegay in tacadiyada uu horjoogahan geysan jiray ay saameyn weyn ku yeesheen ganacsiga dalka, taas oo sababtay in ganacsato badan ay joojiyaan maalgashigii ay ku hayeen Muqdisho, qaar kalena ay dalka ka cararaan. Waxa kale oo uu xusay in dhibaatooyin baahsan loo geysan jiray gaadiidley, bangiyo, guryo la dhisayo, beeraley iyo goobo ganacsi, kuwaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh.
“Cabdullaahi Wadaad wuxuu ahaa horjooge Khatar weyn ku ahaa nolosha iyo hantida shacabka Soomaaliyeed, waxaana lagu tilmaamay dilkiisii, ay ku tilmaameen ganacsatada Soomaaliyeed iyo dadkii uu dhibi jirayba, oodin iyo waran wadnaha uga taagnaa Ummadda oo laga fujiyey,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.
Ugu dambeyn, Wasiir Fiqi ayaa shaaciyey in sanadkii tagay 2025 la beegsaday horjoogayaal badan oo ka tirsan Al-Shabaab, isagoo maanta soo bandhigay galka xubnihii laga dilay kooxda oo tiro ku dhaw toban xubnood ah, ahaanna kuwa doorar kala duwan ku lahaa howlaha qaraxyada, tashkiilinta, dilalka, isku xirka iyo howlo kale lagu sheegay qeybo muhiim ah.
HBN ONLINE TV

