Waa kuma garsooraha Soomaaliga ah ee taariikhda ka dhigay koobka qaramada Afrika

Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa taariikhda Isboortiga Soomaaliyeed ku xardhay magaciisa, isagoo noqday garsooraha ugu hal-abuurka badan Soomaaliya ee dhex-dhexaadin doona Koobka Qarammada Afrika ee caanka ah.

Cartan, ayaa si degdeg ah sare ugu kacay darajooyinka garsoorayaasha kubbadda cagta Afrika tan iyo markii uu u soo baxay isreebreebka CAF 2020. Waxaa lagu yaqaanaa go’aan qaadasho wanaagsan, wuxuu ku kasbaday aqoonsiga mid ka mid ah garsoorayaasha da’da yar ee Afrika ugu rajada wanaagsan. .

Ciyaarta dhexmartay Tunisia iyo Namibia ayaa ahayd mid cidiyaha la iska qaniinay oo ka tirsan Group-ka E,waxana ay ku soo dhamaatay 1-0 ay ku badisay Namibia. Daqiiqadii 88-aad ee ciyaarta Deon Hotto ayaa hogaanka u dhiibay xulka Namibia.

Cartan waxay fure u ahayd ilaalinta ciyaar hufan oo cadaalad ah, isagoo ilaalinaya mabaadi’da ciyaar wanaaga. Waxaa taageeray garsoorayaasha Kenya Gilbert Cheruiyot iyo Stephen Yiembe, kuwaas oo u shaqeeyay sidii caawiyihiisa koowaad iyo labaad.

Garoomada kubadda cagta Soomaaliya ayaa waxaa soo wajahay caqabado badan oo ay ugu wacan tahay xasillooni darro iyo colaado dalka ragaadiyay. Si kastaba ha ahaatee, dadaaladii ugu dambeeyay ee lagu soo celin lahaa nabadda iyo amniga ayaa abuuray fursado dib u soo nooleynta kubada cagta. FIFA ayaa door muhiim ah ka ciyaartay dib u soo nooleyntan iyadoo tababartay garsoorayaasha Soomaaliyeed iyo ciyaartoyda da’da yar. Tababarka ayaa muddo sanado ah u hakaday xaaladda dalka oo aan xasilooneyn. Si kastaba ha ahaatee, horumarka dhinaca ammaanka awgeed, FIFA waxay dib u bilowday barnaamijyadeeda tababarka.

Guulaha uu Cartan gaaray kuma koobna dadaalkiisa iyo kartidiisa balse waxa ay hoosta ka xariiqeen horumarka iyo soo nooleynta kubadda cagta Soomaaliya. Ka qeyb galka garsoorayaasha Soomaaliyeed ee tartamada caalamiga ah ayaa qeyb ka qaadan doonta in Soomaaliya ay dib ugu soo laabato bahda kubbadda cagta adduunka.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed