Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa faahfaahin ka bixiyay goobta rasmiga ah ee laga qodi doono shidaalka ceelka Curad-1, isaga oo sheegay inuu yaallo Badda ku teedsan dowlad goboleedka Galmudug, gaar ahaan aagga u dhexeeya Mareeg (Galgaduud) iyo Xarardheere (Mudug).
Daahir Shire ayaa xusay in goobtu ay aad uga fog tahay bariga, masaafo ahaan-na u jirto qiyaastii 1,300KM. Wuxuu tilmaamay in qodista ceelkan ay ka socoto meel biyo ahaan gaaraysa 3.5KM (3,500 mitir), halka marka la sii qodo hoos loo sii dhaadhacayo ilaa 4,000 mitir oo kale oo ka bilaabanaya sagxadda dhulka badda hoostiisa ah, taasi oo muujinaysa heerka farsamo iyo qoto-dheeraantu gaari doonto.
“Curad-1 waxaa laga qodayaa Galmudug badda ku toosan, agagaarka Mareeg ilaa Xarardheere inta ku aadan. Aad ayuu bariga uga fog yahay, wuxuuna masaafo ahaan u jiraa 1,300km” ayuu yiri wasiir Daahir Shire.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in Badda Soomaaliya laga helay ilaa 268 xirmo oo shidaal ah, kuwaas oo noqon kara fursado waa weyn oo lagu soo jiidan karo maalgashi caalami ah. Xirmooyinkan ayaa loo arkaa kuwo muhiim u ah mustaqbalka dhaqaalaha dalka.
Wasiirku wuxuu intaa ku daray in go’aankii Turkiga uu ku bilaabay sahminta shidaalka Soomaaliya uu dhiirrigeliyay shirkado badan oo caalami ah. Taasi waxay keentay in shirkado cusub ay muujiyaan xiisaha ay u qabaan sahminta iyo soo saarista shidaalka Soomaaliya.
Ugu dambayn, wuxuu xusay in shirkado Mareykan ah ay hore u haystaan Xirmooyin shidaal oo badeed, kuwaas oo ay ka mid yihiin qaar qorsheynaya inay dhawaan bilaabaan baaritaanno casri ah oo 3D ah. Shirkadahaas waxaa lagu sheegay inay ka mid yihiin Aquila Coastline iyo Liberty Petroleum, kuwaas oo ka shaqeynaya horumarinta sahminta shidaalka dalka.
HBN ONLINE TV

