Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa si adag uga digay hoggaamiyeyaasha caalamka ee qorsheynaya inay ka qaybgalaan bandhigga milatari ee Ruushka ee lagu qabanayo magaalada Moscow 9-ka bishan May, kaasoo lagu xusaya 80 sano guushii Midowgii Soofiyeeti ee Dagaalkii Labaad ee Adduunka. Zelensky ayaa sheegay inuusan “damaanad qaadi karin amniga” madaxda caalamka ah ee martida u noqonaya Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin xilliga munaasabadda.
Digniintiisa ayaa timid kadib markii Ruushku soo jeediyay xabbad joojin saddex maalmood ah oo bilaabanaysa 8-da May ilaa 10-ka May. Zelensky wuxuu soo jeedintaas ku tilmaamay mid khiyaano ah oo loogu talagalay in lagu horumariyo borobogaandada Kremlin-ka halkii laga ilaalin lahaa nolosha rayidka.“Qiimaha nolosha bini’aadamka wuxuu ka sareeyaa mid kasta oo bandhig ah,” ayuu yiri Zelensky, isagoo ugu baaqay beesha caalamka inay dib uga fiirsadaan ka qaybgalka xuska Moscow.
Iyadoo Ukraine ay muujisay walaac, afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa xaqiijiyay in bandhigga sanadlaha ah ee Fagaaraha Gudduudan ama Red Square uu u dhici doono sidii loogu talagalay, isagoo ka dhawaajiyay in xuskaasi “si sharaf leh” loo qaban doono.
Si ay u muujiyaan iska caabbinta iyo midnimada, Ukraine waxay martiqaad rasmi ah u dirtay saraakiisha ugu sarreeya Midowga Yurub si ay u booqdaan Kyiv 9-ka May, una muujiyaan taageeradooda Ukraine, xilli Ruushku xusayo maalinta guusha.
Xiisadda siyaasadeed ayaa cirka isku sii shareeraysa iyadoo labada dhinac – Kyiv iyo Moscow – ay ku adkaysteen mowqifyadooda kahor mid ka mid ah maalmaha ugu muhiimsan Ruushka ee qaran ahaan.
Dhacdooyinkii u dambeeyey dagaalka, Weeraro loo adeegsaday diyaaradaha an duuliye lahayn ayaa ka dhacay saacadihii la soo dhaafay, xilli Maraykanka uu ansixiyey heshiis cusub oo Ukraine la galayo.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa soo xigatay ilo dhanka Ukraine ah oo sheegaya in Ruushku uu ku soo weeraray habeenimadii xalay dalkooda laba gantaal iyo 183 diyaarad oo ah kuwa aan duuliye lahayn.
Mas’uuliyiinta Ukraine ayaa sheegay in weerarada Ruushka ay bartilmaameedsadeen gobollada Kharkiv oo dhaca waqooyi-bari ee dalkaasi iyo Kherson oo isna dhaca dhanka Koonfur-bari isla markaana ay sababeen khasaare baxaad leh.
Duqa magaalada Kharkiv Ihor Terikhov ayaa sheegay in 46 qof, oo uu ku jiro ilmo yar, ay ku dhaawacmeen weerar diyaarad drone ah oo xalay lagu soo weeraray magaalada.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Ukraine ayaa dhankeeda sheegtay in 10 dab ay ka kaceen qaybo kala duwan oo magaalada ah sabab la xiriirta weerarka Ruushku.
Wasaaraddu waxay sheegtay in dababkaasi ay saameeyeen dhismayaal, kaabayaasha rayidka, bakhaarro, iyo gaadiid.
Guddoomiyaha gobolka Kherson ayaa isna ku tilmaamay in hal qof uu ku dhintay, 5 kalena ay ku dhaawacmeen weeraro cirka iyo madaafiic ah oo Ruushku uu ka geystay dhowr tuulo.
Weerarada Kharkiv iyo Kherson ayaa yimid saacado kadib weerar kale oo Ruushku uu ku qaaday magaalada Zaporizhia ee koonfur-bari dalkaasi, kaasi oo ay ku dhaawacay in ka badan 20 qof.
Dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay, tobanaan qof ayaa lagu dilay Ukraine weerarada Ruushka aawadood, iyadoo sidoo kale khasaare laga soo sheegay gudaha Ruushka, inkastoo Maraykanka uu isku dayayo in uu dhexdhexaadiyo xabad-joojin.
Kiev ayaa dhowaan si isdaba joog ah u dalbatay heshiis xabbad-joojin oo 30 maalmood ah, halka Moscow ay sheegtay in taasi aysan suuragal ahayn ilaa khilaafaadka labada dhinac laga gaaro heshiis.
Dhankeeda, Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa iyana sheegtay in ciidankooda cirka ay soo rideen 170 diyaarad oo ah kuwa Ukraine ay lahayd iyo 14 doonyood oo drones ah isla xalay.
Duqa magaalada Novorossiysk ee ku taalla Badda Madow ayaa ku tilmaamay in xaalad degdeg ah ay wajaheen kadib weerar ay Ukraine ku soo qaaday magaalada.
Ciidamada Ruushka iyo kuwa Ukraine ayaa maalin kasta fuliya weeraro loo adeegsado diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka loo yaqaan, iyadoo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay uu siyaaday xawliga weeraradaas.
Dhanka kale, maamulka Maraykanka ayaa Jimcihii ansixiyey in Ukraine la siiyo tababar iyo agab dayactir ah oo ku saabsan diyaaradaha dagaalka ee F-16 oo ay Ukraine heshay sannadkii hore.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay in ay Aqalka Congress-ka uu ku wargelisay oggolaanshaha heshiis qiimihiisu yahay $310 milyan oo doollar kaasoo Ukraine loogu diyaarinayo qalab iyo adeegyo dayactir oo diyaaradaha F-16 ah.
Wasaaraddu waxay sheegtay in heshiiskan la soo jeediyey uu xoojin doono awoodda Ukraine si ay uga hortagto khataraha hadda iyo kuwa mustaqbalka, isla markaana uu wanaajin doono qorshayaasha is-waafajinta leh ee Maraykanka.
Maamulka Madaxweynihii hore Joe Biden ayaa hore u oggolaaday heshiiskan oo qeyb ka ah taageerada weyn ee milatari ee uu siiyey Kiev tan iyo intii dagaalku uu billowday dabayaaqadii bishii Febraayo 2022-kii.
Heshiiskan oo ay Ukraine bixin doonto ayaa yimid kadib markii Madaxweyne Trump uu si joogto ah u dhaliilay taageerada balaadhan ee Biden uu siiyey Ukraine, gaar ahaan dhanka milatari iyo dhaqaale.
Sidoo kale, heshiiskan ayaa ku soo aaday wax yar kadib markii la saxiixay heshiiska macdanta dhifka ah ee u dhexeeya Kiev iyo Washington, kaasi oo Trump uu sheegay in uu Maraykanka u sahli doono in uu dib u helo qeyb ka mid ah lacagtii maamulka hore uu taageera ahaanta u siiyey Ukraine.
HBN ONLINE TV