Ururrada bulshada rayidka ee Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay xiisadda siyaasadeed ee sii xoogeysaneysa ee u dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah mucaaradka, iyagoo ku baaqay in la joojiyo hadallada xanafta leh ee laga jeedinayo saxaafadda iyo baraha bulshada.
Shir ay yeesheen xubnaha bulshada rayidka oo looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ay ku muujinayaan walaac xooggan oo ay ka qabaan hadallada ay is-dhaafsanayaan dhinacyada, kuwaas oo lagu tilmaamay kuwo halis galin kara sida hadalka loo dhigay xasilloonida iyo amniga dalka.
Cismaan Muxyadiin Shaatax, oo ah guddoomiyaha ururada bulshada rayidka ayaa warbaahinta u akhriyey bayaanka, isagoo sheegay in aad uga walaacsan yihiin hadallada kala fogeynaya shacabka iyo madaxda dalka, kuwaas oo carqaladeynaya hannaanka siyaasadeed ee dalka, wuxuuna ugu baaqay labada dhinac in ay miiska wadahadalka isugu yimaadaan.
Ururka ayaa si gaar ah ugu baaqay xubnaha mucaaradka in ay ka qeybqaataan gogosha wadahadalka ee ay fidisay Dowladda Federaalka, si loo xalliyo khilaafaadka jira loona ilaaliyo nabadda iyo midnimada dalka.
War-murtiyeedku wuxuu sidoo kale ugu baaqay dhammaan siyaasiyiinta in ay muujiyaan masuuliyad, kana fogaadaan wax kasta oo horseedi kara colaad iyo kala fogaansho, isagoo ku soo aaday iyadoo maalinkii labaad Muqdisho ay ku shirayaan xubnaha mucaaradka ah, kaasi oo lagu wado inuu maalinta berri uu ka soo baxo war-murtiyeed.
HBN ONLINE TV