Ururka Suxufiyiinta Soomaaliya ee FESOJ ayaa si weyn uga walaac kaag muujiyey hakinta baahinta Idaacadda VOA, gaar ahaan laanta Soomaaliya, iyaga oo sheegay in Sanado badan ay aheyd il muhiim ah oo madax-bannaan, sax ah, iyo waqti ku habboon oo ay malaayiin Soomaali ah ay wararka ka heli jireen.
Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay ururka ayaa lagu yiri ” Soomaaliya weli waxay la tacaaleysaa caqabado waa weyn oo dhinaca siyaasadda, ammaanka, iyo bani’aadannimada ah. Xaaladdan oo kale, helitaanka warar lagu kalsoonaan karo waa lama huraan si looga hortago wararka marin-habaabinta ah, loo taageero hannaanka dimuqraadiyadda, loona xoojiyo nabadda iyo xasilloonida”.
Waxaa intaasi lagu daray in VOA Somali ay door muhiim ah ka qaadatay wacyigelinta bulshada Soomaaliya, dhiirrigelinta doodaha dhaxal-galka ah, iyo kor u qaadidda codadka gacan ka geysanaya hanaanka dimuqraadiyadda iyo dib u heshiisiinta dalka, waxaana FESOJ ay ugu baaqday dowladda Maraykanka in dib eegis lagu sameeyo laanta afka Soomaaliga ee VOA, si dacaayadaha, xogaha khaldan, iyo afkaaraha xagjirka ah firaaqa uga faa’iideysan.
FESOJ ayaa ugu baaqday dowladda Mareykanka in ay dib u eegto go’aanka la xiriira joojinta ama xaddididda baahinta VOA Soomaali, iyada oo carrab-bowday in adeegeeda kaliya aheyn madal warbaahineed, balse uu ahaa il nololeed oo muhiim ah, gaar ahaan dadka ku nool goobaha ay colaadaha iyo dhibaatooyinku saameeyeen, taasi oo Soomaalida ka dhigaysa sida hadalka loo dhigay kuwo aad ugu nugul dacaayadaha, xogaha khaldan, iyo afkaaraha xagjirka ah.
“Waxaan si xushmad leh uga codsaneynaa Kongareeska Mareykanka iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda inay damaanad qaadaan sii wadida baahinta VOA Somali Service, iyagoo ilaalinaya doorkeeda muhiimka ah ee la xiriira bixinta warar xaqiiqo ah oo dhexdhexaad ah” ayaa lagu yiri.
Waxaa lagu soo gabagabeeyey warka FESOJ in Mareykanka uu mar walba hormuud ka yahay xorriyadda saxaafadda iyo helitaanka warar sugan, iyada oo warka mar kale lagu yiri “Waxaan uga mahadcelineynaa dareenka aad u hayaan arrintan, waxaana diyaar u nahay inaan sii wadno wadahadalka ku saabsan taageeridda arrintan”.
HBN ONLINE TV