Ururka Midowga Afrika oo Israa’iil ugu baaqay inay ka laabato aqoonsiga Somaliland

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AU) ayaa maanta mar kale xaqiijiyay mowqifkiisa ku aadan madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isagoo diiday aqoonsi kasta oo Somaliland loogu aqoonsanayo dowlad madaxbannaan.

Bayaan laga soo saaray kadib kulan heer wasiir ah oo ka dhacay magaalada Addis Ababa ayaa goluhu ku celiyay cambaareyntiisa adag iyo diidmada aqoonsiga hal-dhinac ah ee Israa’iil ay siisay Somaliland, isagoo ku baaqay in si degdeg ah looga noqdo go’aankaas.

Goluhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in aanu jirin cid leh awood ama sharci u oggolaanaya inay wax ka beddesho wadajirka dhuleed ee dal xubin ka ah Midowga Afrika. Waxa uu intaas ku daray in aqoonsi kasta oo noocaas ah uu yahay mid aan waxba ka jirin oo aan wax saameyn sharci ah ku lahayn sharciga caalamiga ah.

Sidoo kale, Golaha Nabadda iyo Ammaanka ayaa soo dhoweeyay guulihii milatari ee dhawaan laga gaaray kooxda Alshabaab, wuxuuna ku boorriyay ciidamada ammaanka Soomaaliya oo ay taageerayaan howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM iyo saaxiibbada caalamiga ah inay sii wadaan howlgalada si “si wax ku ool ah loo wiiqo ugu dambayna loo jebiyo Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada.”

Goluhu wuxuu sidoo kale ku boorriyay dowladda federaalka Soomaaliya inay xoojiso wada-hadal loo dhan yahay oo ay la yeelato dowlad-goboleedyada iyo daneeyayaasha kale, isagoo xusay in “khilaafaadka maamulka dalka ay adkeynayaan la dagaallanka Al-Shabaab isla markaana ay dib u dhigayaan dadaallada lagu doonayo xasillooni iyo dhisidda dowladnimo.”

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed