Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa si adag u cambaareeyay Safarada Somaliland u qorsheynayo inay ka furto magaalada Qudus ee la haysto, waxaana lagu sheegay in tallaabadaasi ay jebinayso qawaaniinta caalamiga ah iyo go’aannada Qaramada Midoobay.
OIC ayaa sheegtay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallada Israa’iil ay ku dooneyso inay sharciyad uga hesho maamulo aan caalamku aqoonsaneyn, si ay u xoojiso sheegashadeeda magaalada Qudus. Ururku wuxuu caddeeyay in Israa’iil aysan wax madax-bannaani ah ku lahayn Bariga Qudus oo ay u aqoonsan yihiin caasimadda dowladda Falastiin.
Sidoo kale, OIC ayaa markale xaqiijisay taageerada ay u hayso Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan ilaalinta madaxbannaanida, midnimada dhuleed iyo amniga dalka. Waxay ugu baaqday dalalka caalamka inay diidaan tallaabo kasta oo sharciyad siinaysa maamul aan la aqoonsaneyn iyo qorshaha la xiriira furitaanka.
Hadalkan wuxuu imaanayaa iyada oo Ururka Jaamacadda Carabta uu si adag uga hadlay qorshaha Somaliland ay safaarad kaga furaneyso magaalada magaalada Qudus ee la haysto, wuxuuna ku tilmaamtay tallaabadaasi mid sharci darro ah oo ka hor imaanaysa qawaanniinta caalamiga ah.
HBN ONLINE TV

