Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), oo ah isbahaysigii ugu dambeeyay ee ay Soomaaliya ku biirtay, isla markaana ay xubno ka yihiin Kenya, Tansaaniya, Uganda iyo Rwanda, ayaa si cad uga soo horjeestay go’aankii Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland.
EAC ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay si buuxda u taageerayso madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Horay, Midowga Afrika (AU) iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa iyaguna u cambaareeyay tallaabada Israa’iil, iyagoo ku adkeeyay in aan la aqbali karin wax kasta oo dhaawacaya midnimada Soomaaliya.
HBN ONLINE TV

