UK oo war hadashay khilaafka u dhexeeya Mucaaradka iyo DFS

Dowladda Ingiriiska oo soo dhoweysay kulankii ku dhexmaray Muqdisho madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS iyo Golaha mustaqbalka ayaa sheegtay in ka niyad jabtay is afgarad la’aantii dhinacyada ee sababay in shirkii u socday uu fashil ku soo ildaado.

War kooban oo bogga X ee safaaradda UK lagu daabacay ayaa carrababaay in “inkastoo ay tahay arrin niyad-jab leh” in weli aan la gaarin is-afgarad buuxa, ayna Boqortooyada Ingiriiska sii wadi doonto taageerada & dadaallada lagu xallinayo qodobbada wali taagan.

Sidoo kale, waxay ku sheegtay warka in “xiriir la leenahay dhammaan dhinacyada”, ayna iyada oo kaashaneysa saaxiibadeeda ku boorrinayso madaxda DFS iyo Mucaaradka inay la yimaadaan is-afgarad, tanaasul iyo wadahadal sii socda.

Shalay, Golaha Mustaqbalka ayaa ku dhawaaqay in wadahadalladii u socday DFS ay ku soo dhammaadeen heshiis la’aan, kadib kulamo looga hadlayay arrimo siyaasadeed iyo kuwo dastuur, sida lagu sheegay war-saxaafadeed la soo saaray.

Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa adkeeyye inay sii soconayaan—kana ka shaqeyn donaan kulamo kale oo lagu xalinayo khilaafka taagan.

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa sheegay in wadahadalka iyo isu-tanaasulka ay adag yihiin, balse ay lagama maarmaan tahay in la gaaro heshiis, iyada oo hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ku dhiirrigelisay inay sii wadaan dadaalladaas.

Ilaa hadda DFS kama hadlin waxyaabaha mucaaradka ay isku fahmi waayeen iyo u jeedka loo burburiyey gogoshii wadahadal ee la doonayey in xal siyaasadeed lagu gaaro—taasi oo ahayd mid si gaar ah shacabka iyo dadka Soomaaliyeed rajo kaga muujinayeen in xal loo helo marka eego xaaladda hadda lagu jiro ee kala guurka ah, khilaafaadka taagan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed