Bayaan ka soo baxay Dawlada ngiriisku ayaa si adag loogu cambaareeyey dagaalkii rabshadaha watay ee shalay ka dhacay deegaanka Raas-Kambooni. Waxaa la sheegay in aan la aqbali karin sida hadalka loo dhigtay khasaaraha nafeed ee ka dhashay dagaalka iyo dhibaatooyinka rayidka soo gaaray.
Warka UK oo aad loogu canaantay dhinacyada dagaalamay ayaa lagu sheegtay in dhinacyadu aanay tixgalin baaqyada, iyada oo taasi bedelkeeda khilaafka dhexdooda ah ay keeneen dagaal halis ah.
“Waa arrin laga xumaado in khilaafaadka siyaasadeed ay keeneen dagaal halis ah, iyadoo baaqyada loogu yeerayo hoos u dhigidda xiisadda aan la tixgelin” ayaa lagu yiri warka yiri UK.
Sida oo kale War Saxaafadeedka ayaa lagu carrabaabay in Dhacdooyinkan ay carqaladeynayeen xasilloonida Jubbaland, ayna dhaawaceen amniga Soomaaliya, iyadoo laga yaabo inay ka faa’iidaysto sida hadalka loo yiri “kooxda Al-Shabaab”.
Ingiriiska ayaa tilmaamay inay ka xunyihiin saameynta ay ku yeesheen dadka rayidka ah jarista shabakadaha isgaarsiinta iyo xayiraadaha dhaqdhaqaaqa ee nolashooda lagu qalqalgeliyey.
Nuqulka War Saxfaadeedka UK ayaa lagu soo gabagabeeyey in wadahadal wax dhisiya dib ay isugu laabtaan dowladda Federaalka iyo Jubbaland.
“UK waxay ku baaqeysaa degganaan, waxayna dib u celinaysaa baaqa ah in dhammaan dhinacyadu dib ugu soo laabtaan wadahadallo wax dhisaya si loo dejiyo waddo loogu gudbayo heshiisiinta” ayaa lagu yiri Warka UK .
HBN ONLINE TV