Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer ayaa sheegay in khatarta ka imaaneysa Ruushka “aan la iska indho tiri karin,” isagoo ku dhawaaqay qorshe difaac oo ballaaran si loo diyaariyo dalkiisa marka laga hadlayo suurtagalnimada dagaal mustaqbalka.
Isagoo la hadlayay warbaahinta gudaha, Starmer wuxuu carrabka ku adkeeyay: “Haddii aad rabto in aad iska ilaaliso dagaal, habka ugu wanaagsan waa in aad isu diyaariso dagaalka.” Hadalkan ayaa yimid xilli dowladda UK ay shaacisay warbixin 130-bog ah oo ku saabsan sidii kor loogu qaadi lahaa diyaar garowga ciidan.
Qorshaha oo uu hogaaminayo Xoghayihii hore ee NATO, Lord Robertson, ayaa muujinaya in UK ay u guureyso “diyaargarow dagaal” iyadoo ay sare u kacayaan xiisadaha caalamiga ah, gaar ahaan khatarta ka imanaysa Ruushka iyo xulafadiisa.
Tallaabooyinka muhiimka ah waxaa ka mid ah: dhismaha ilaa 12 markiibta gujiska oo nuclear ku shaqeeya kuwaasi oo lagu beddelayo todobada hadda jira.
Maalgashi ku dhawaadku dhow $1.9 bilyan oo oo doolar oo lagu dhisayo ugu yaraan lix warshadood oo hub iyo walxaha qarxa.
Lacag dhan $19 bilyan oo lagu casriyeynayo barnaamijka hubka nukliyeerka, iyo qorshe lagu iibsanayo diyaaradaha F-35A ee qaadi kara hub nukliyeer ah.
UK ayaa sidoo kale qorsheyneysa in ay sameyso xarun cusub oo cyber-ka ah, iyo in ka badan 1 bilyan oo doolar oo loo qoondeeyay sirdoonka macmalka ah (AI) si kor loogu qaado go’aan qaadashada ciidan. Waxaa intaa dheer, ku dhawaad 2 bilyan ayaa loo qoondeeyay hagaajinta xeryaha ciidamada.
Dowladdu waxay xaqiijisay in kharashaadka difaaca loo kordhin doono ilaa 2.5% GDP-ga ama dakhliga wax soo saarka sanadka 2027, iyadoo la rajo weyn yahay in laga dhigo 3% mustaqbalka, marka la eego xaaladda dhaqaale.
Xoghayaha Difaaca John Healey ayaa qiray in ciidanka ay la tacaalayaan dhibaato dhanka ciidamo qorista ah, isagoo sheegay in tirada ciidanka ay ka hooseyso yoolkii loogu tala galay 73,000 oo askari. Kordhinta tiradaasi lama qorsheynayo ilaa doorashada 2029 ka dib.
Qorshahani wuxuu noqonayaa isbedelkii ugu weynaa ee ku yimaada difaaca UK muddo tobanaan sano ah, wuxuuna muujinayaa muhiimadda ay dowladdu siineyso diyaarinta qaranka iyo xulafada marka la eego xaaladda amni ee sii xumaanaysa adduunka.
HBN ONLINE TV