Ugu yaraan 40 qof oo tahriibayaal ah, oo ay ku jiraan carruur, ayaa geeriyooday kadib markii dooni ay la socdeen ay ku degtay xeebaha dalka Tunisia, halkaas oo ay dad badan oo la tubunsan yahay inay Soomaali yihiin ay ku dhinteen muddooyinkii ugu dambeeyey.
Doonidan ayaa ku degtay meel u dhow dekedda magaalada Mahdia ee bartamaha Tunisia, iyadoo sidday ku dhowaad 70 tahriibayaal ah oo kala jeeda ka soo jeeda dalalka Saxaraha ka hooseeya iyo kuwa sare ee Afrika, sida uu xaqiijiyay sarkaal u hadlay dowladda.
Mas’uuliyiinta Tunisian ayaa sheegay in baaritaan rasmi ah la bilaabay si loo ogaado sababaha iyo duruufaha keenay shilka, inkastoo aysan weli bixin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan sababta keentay in doontu quusato. Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in ku dhowaad 30 qof la soo badbaadiyay, halka tobanaan kalena weli la la’yahay.
Shilkan ayaa noqday mid ka mid ah kii ugu dhimashada badnaa ee sanadkan ka dhaca badda Mediterranean, oo ah marin halis ah oo ay tahriibayaashu u adeegsadaan si ay uga gudbaan Afrika una tagaan Yurub.
Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay (UN), in ka badan 210,000 qof ayaa isku dayay inay ka gudbaan badda Mediterranean sanadkii 2023, halka 60,000 qof la qabtay oo dib loogu celiyay Afrika, iyo ku dhowaad 2,000 qof oo ku nafwaayay badda.
Tunisia ayaa haatan wajahaysa cadaadis sii kordhaya oo ku saabsan maareynta qulqulka tahriibayaasha ka imaanaya gobollada ay dagaalladu ka socdaan iyo saboolnimadu ka jirto, kuwaas oo rajeynaya nolol ka wanaagsan qaaradda Yurub. Badda Mediterranean ayaa weli ah marinnada ugu khatarta badan ee socdaalka caalamka.
HBN ONLINE TV