Dalka Uganda ayaa martigelin doona shir madaxeed gaar ah oo ay isugu imaanayaan dalalka ciidamada kaga sugan yihiin Soomaaliya, kaas oo lagu qaban doono magaalada Kampala Arbacada inagu soo aadan.
Shirka ayaa diiradda saari doona sidii loo heli lahaa taageero dhaqaale oo joogto ah oo lagu xoojiyo Howlgalka Kala-guurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyadoo hay’adaha ammaanka caalamiga ah lagu eedeeyay in ay hoos u dhigeen maalgelinta howlgalka. Shirka ayaa dhici doono 23-ka bishaan Abriil.
Waxaa la filayaa in Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud, madaxda dalalka gobolka iyo saraakiil sare oo caalami ah ay ka qaybgalaan shirka, si looga wada hadlo xalka mustaqbalka howlgalka AUSSOM iyo doorka uu ka ciyaarayo nabadeynta Soomaaliya.
Howlgalka AUSSOM ayaa lagu beddelay kii hore ee ATMIS, waxaana uu wajahaya caqabado dhanka dhaqaalaha ah, xilli dalka Soomaaliya uu weli la tacaalayo la dagaallanka Alshabaab iyo baahida loo qabo ciidamada nabad ilaalinta ah.
HBN ONLINE TV