Uganda oo ku dhawaaqday inay ciidamadeeda kala baxeyso Soomaaliya kadib ku dhowaad 20 sano

Taliyaha Ciidamada Difaaca Uganda, Muhoozi Kainerugaba (Kai-ne-ru-ga-ba), oo ah wiilka Madaxweynaha Uganda, ayaa ku sheegay bartiisa X (Twitter) in dalkiisu qorsheynayo inuu si buuxda uga baxo Soomaaliya, kadib 19 sano oo joogitaan ah. “Kadib 19 sano oo aan ku sugnayn Soomaaliya, waxa aan damacsan nahay inaan ciidankeena si buuxda ugala baxno dalkaas goor dhow,” ayuu yiri, isaga oo aan faahfaahin sababta ka bixitaanka.

Horaantii bishii September 2025, Muhoozi ayaa sidoo kale bartiisa X ku sheegay in Uganda dib uga fiirsaneyso joogitaanka ciidankeeda ee Soomaaliya, isagoo xusay in wada-hadallo sir ah oo Mareykanku la yeeshay sida uu hadalka u dhigay kooxda Alshabaab ay tahay mid saameyn ku leh go’aankaas.

Ciidamada Uganda ayaa ahaa laf-dhabarta howlgalada Midowga Afrika ee Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007, iyagoo door muhiim ah ka qaatay sugidda amniga, difaaca xarumaha dowladda, iyo la dagaallanka Alshabaab. Waxay sidoo kale ahaayeen ciidanka ugu tirada badan ee ka tirsan AUSSOM, oo beddelay howlgalladii kala horeeyey ee ATMIS iyo AMISOM.

Illaa hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika kama aysan hadlin si rasmi ah qorshaha bixitaanka ciidamada Uganda, balse khubaro amni ayaa sheegaya in tallaabadani ay saameyn ku yeelan karto xaaladda amni ee dalka, gaar ahaan meelaha ay ciidamadu mas’uulka ka ahaayeen.

Qorshaha ka bixitaanka Uganda ayaa ku soo beegmaya xilli ay socdaan wadahadallo ku saabsan mustaqbalka howlgalka AUSSOM, doorka ciidammada caalamiga ah, iyo mas’uuliyadda amni ee ay la wareegayaan Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, iyadoo sidoo kale howlgalka uu wajahayo caqabado dhaqaale oo saameyn ku leh awoodda taageerada dibadda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed