Wasiirka Gargaarka, U Diyaargarowga Masiibooyinka, iyo Qaxootiga ee Uganda ayaa sheegay in dowladdu ay joojisay sharcigii ay siin jirtay dadka ka imaanaya dalalka aysan dagaaladu ka socon. Go’aanku wuxuu daba socdaa taageerada deeq-bixiyayaasha oo sii yaraanaysa iyadoo ay si joogto ah ugu qulqulayaan waddanka.
Wasiir Hilary Onek ayaa yiri: “Waxaan ku amray saraakiishayada in aysan siinin aqoonsiga qaxootinimo muwaadiniinta ka imaanaya dalalkaas sababtoo ah ma jiro dagaal halkaas ka socda, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Ereteriya, Itoobiya iyo Soomaaliya”.
“Balse waxa uu sheegay in dowladdu aysan dib ugala laaban doonin aqoonsiga qaxootinimo ee dadka horay u helay, hase yeeshee aysan aqbali doonin dadka cusub ee ka imaanaya wadamada laga hadlayo”.
“Tirada qaxootiga hadda waxa ay gaareysaa laba milyan, maalin walbana way sii kordheysaa, maalin walba waxaa inta u dhexeysa 100 iyo 200 oo qaxooti ah ay naga soo galaan DR Congo, xitaa Koonfurta Suudaan, oo aan u maleynay inay nabad tahay, qaxootiga ayaa weli halkaas ka soo qulqulaya” ayuu yiri.
Warbaahinta Uganda ayaa sheegtay in Mr Onek uu sidoo kale ka digay in iyada oo siyaasadda qaxootiga Uganda ay tahay mid saaxiibtinimo leh oo u oggolaanaysa qaxootiga “inay shaqeystaan, ka ganacsadaan, ku raaxaystaan xornimada dhaqdhaqaaqa iyo helitaanka adeegyada ay muwaadiniintu ku raaxaystaan, tilmaanta ” si aad ah, dhaqaale ahaan ayay nagu haysaa”.
Wuxuu sheegay in Uganda ay ku bixiso Ush2 bilyan sanad walba baahiyaha qaxootiga.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in Uganda ay sanadkii hore $240m ka heli jirtay UNHCR, oo ah hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay, balse tirada dadka qaxootiga ah ee kor u kacday oo ku dhow laba milyan oo qof, ay hadda helaan wax ka yar $100m.
Sanadkan waxa uu sheegay inay heleen 18 milyan oo doolar oo kaliya. “Markaa, xaaladdu aad ayay u xun tahay, waxaana kharashkaas bixinaya dadkeenna” ayuu yiri.
Hbn Online Tv

