Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo maanta lagu caleema saaray gobolka Hiiraan iyo madax u dirtay fariin culus

Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa maanta oo Isniin ah lagu caleemo saaray Ugaaska 21-aad ee Beesha Xawaadle, iyadoo munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday gobolka Hiiraan.

Boqolaal dadweyne ah oo isugu jira madaxda heer federaal iyo heer gobol iyo odayaal dhaqameed ayaa ka qeyb galay munaasabadan oo ka dhacday xaafadda Daara Ugaas ee duleedka degmada Halgan.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyay Ugaaska Beesha, isagoo u rajeeyay in uu sii wado dhaqankii 20-kii Ugaas ee isaga ka horreeyay, kaasoo udub dhexaad u ahaa Soomaaliweyn weyn, Nabadda iyo ilaalinta midnimada Qaranka Soomaaliyeed.

Ciidamada qalabka sida oo ay wehliyaan maleeshiyaad deegaanka ah ayaa sanadkii hore xureeyay xaafadda Dara Ugaas oo ay ka dhacday munaasabada iyo deegaano kale oo istiraatiiji ah oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed