Diyaaraddan aan duuliyaha lahayn oo ah tii ugu horeysa ee baalal leh ee Turkigu naqshadeeyo ayaa loogu talagalay hawlgallada dhulka fog, waxaana lagu guulaystay tijaabadeedii ugu horreysa iyadoo hub ay ridayso.
Diyaaradda Anka-3, oo lagu qalabeeyay gantaallada la hago oo gudaha ku rakiban, ayaa hawada gashay, waxaana lagu tijaabiyay in ay xabbadda riddo iyada oo ku duuleysa joog gaaraya 20,000 taako kuna socotay xawaare qiyaastii dhan 350 kiiloomitir saacaddii, sida ay ku sheegtay xarunta qalabka hawada & diyaaradaha ee Turkiga ee magaceeda loo soo gaabiyo TAI.
Muuqaal TAI ay soo bandhigtay ayaa waxaa ka muuqda daboolka qaybta hubka gudaha ee Anka-3 oo furmaya ka hor inta aan la ridin gantaalka loo yaqaan TOLUN, oo ay soo saartay shirkadda Aselsan, oo ah hormuudka shirkadaha qalabka difaaca ee Turkiga.
Diyaaradan ayaa waxaa la sheegay in ay awood u leedahay inay ka dhuumato raadaarka cadowga ayna ku socoto joog hoose oo xawaare sare, taasoo ay ugu wacan tahay matoorka ay leedahay iyo awoodda weyn ee ay xamuulka ay qaadi karto.
Diyaaradan Anka-3 waxay duulimaadkeedii ugu horreeyay samaysay dabayaaqadii 2023-kii ka hor inta aan lagu soo bandhigin bishii October ee sanadkii hore bandhigay wayn ee tiknoolajiyada iyo duulista hawada ee Turkiga.
Anka-3 waxay awood u leedahay in ay fuliso hawlo kala duwan, sida sirdoonka, ilaalinta iyadoo adeegsanaysa hubka dhulka iyo hawada lagula dagaalamo iyo waliba nidaamyada raadar-ka.
Diyaaraddu ma laha baalal toosan iyo kuwo jiif ah toona, naqshad ay saraakiishu sheegeen in ay u suurta gelin doonto in ay si qarsoodi ah hawlgallo u fuliso iyadoo aan la ogaan.
Diyaarada Anka-3 waxaa la filayaa in ay awood u yeelan doonto in ay ku duusho joog dhan 40,000 taako oo halwgal ah iyo in ay hawada sii jiri karto ilaa 10 saacadood, waxayna awood u leedahay inay qaado culeys dhan ugu badnaan 6,500 kiiloogaraam.
HBN Online TV