Turkiga oo war ka soo saaray sahankii Baarista Gaaska iyo Saliidda Soomaaliya

Markabkii sahanka badda ee Turkiga, Oruç Reis, ayaa si guul leh u dhammeystay hawlgalkiisii socday 234-ka maalmood ee biyaha Soomaaliya, sida uu ku dhawaaqay Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Alparslan Bayraktar.

Markabkan ayaa howlgalka billaabay 25-kii Oktoobar 2024, wuxuuna xog sahamin 3D ah ka ururiyay dhul badeed dhan 4,464 kiiloomitir oo isku wareeg ah, isagoo ka shaqeeyay saddex qaybood oo gaar ah oo loo asteeyay sahanka.

Xogtan la helay waxay ka caawin doontaa Soomaaliya qiimeynta xuduudeeda badeed iyo awoodda khayraadka dabiiciga ah ee laga yaabo inuu baddaasi leeyahay.

Markabka Oruç Reis ayaa la filayaa inuu ka baxo Dekedda Muqdisho 15-ka Juun 2025, isagoo dib ugu laabanaya Turkiga, maadama uu ku dhawaad 10 bil biyaha Soomaaliya ku sugnaa.

Mas’uuliyiin ka tirsan labada dal ayaa sheegay in xogta la helay ay noqon doonto tallaabo muhiim ah oo u gogol xaareysa maalgeshiyo shisheeye iyo istiraatiijiyad qaran oo ku aaddan sahminta iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Hawlgalkaan wuxuu muujinayaa iskaashi sii kobcaya oo u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada tamarta iyo cilmi-baarista badda. Wuxuu sidoo kale qayb ka ahaa heshiis iskaashi oo u dhexeeyey Soomaaliya iyo Turkiga oo la saxiixay sanadkii 2023, kaas oo diiradda saaraya horumarinta khayraadka badda, tamarta, iyo difaaca xeebaha Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed