Turkiga oo Soomaaliya Ankara uga dhisayo Safaarad casri ah xilli hishiiskaas ay dhaleeceyn ku fureen warbaahinta muacaraadka dalkaas

Turkiga ayaa lagu wadaa in uu Soomaaliya u dhiso oo uu ugu deeqo dhismo iyo dhul safaaradeed oo lagu qiyaasay in ka badan $6m, sida ku cad heshiis loo gudbiyay baarlamaanka Turkiga Isniintii.

Sida ku cad heshiiskii Turkiga iyo Soomaaliya ay kala saxiixdeen 2022, dowladda Soomaaliya ayaa  ugu deeqday Turkiga dhul safaraadeed sanadkii 2015-kii.

Dhulka  diblumaasiyadeed ee uu Turkiga ka dhistay Muqdisho ayaa ahaa kii ugu weynaa ee uu ka sameeyo caalamka, wuxuuna ku fadhiyaa dhul ka badan 61,000 sqm, waxaana ku baxay $65m.

Taa baddalkeeda, Soomaaliya waxay heleysaa 4,918 sqm oo dhul ah oo ku yaal goobta diblomaasiyadda Incek ee Ankara. Waxaana heshiiskan uu u ogolaanaya Soomaaliya inay iibiso dhulka iyo dhismayaasha mustaqbalka haddii ay rabto.

Si kastaba ha ahaatee, baarlamaanka Turkiga waa inuu ansixiyo heshiiska ka hor inta uusan dhaqan gelin.

Heshiiskan ayaa waxaa durba dhaleeceeyay warbaahinta Turkiga. Sozcu, oo ah wargeyska maalinlaha ah ee ugu weyn mucaaradka, ayaa boggiisa hore ku daabacay Talaadadii warbixin cinwaankeedu ahaa: “Ma jirto wax badbaadin ah oo laga helayo jacaylka Soomaaliya”.

Warbixintu waxay iftiimisay qaabka la yaabka leh ee ay dawladdu u dhisayso safaaradda Soomaaliya iyadoo hoos u dhigaysa miisaaniyada ay ku bixiso mashaariic iyo adeegyo badan oo gudaha ah iyadoo loo marayo tallaabooyin dhaqaale.

Wargeyska  waxa uu ku andacoodey in dhulkaasi uu qiimihiisu yahay  “200m Turkish lira” oo ah lacagta  Turkiga, oo dhiganto ($6.5m). Si kastaba ha ahaatee, ilo-wareedyo Turki ah oo la socda mashruucan ayaa Middle East Eye u sheegay in kharashka ku baxaya dhismaha iyo dhulka aanu ka badan doonin $6m, lagana yaabo inuu ka hooseeyo.

Turkiga ayaa hadda Saldhig ciidan oo xoog leh ku leh magaalada Muqdisho, waxaana shirkado laga leeyahay dalka Turkiga ay maamulaan garoonka diyaaradaha iyo dekedda magaalada oo heshiisyo ay la galeen dowladda Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed