Turkiga oo Sheegay inuu ka helay Balaayiin Fuusto oo Shidaal Ceeriin ah Soomaaliya

Dowladda Turkiga ayaa shaacisay inay ka heshay ilaa 20 bilyan oo fuusto oo shidaal ceeriin ah gudaha Soomaaliya, taas oo ka dhalatay dadaallada ay Ankara ugu jirto sahamin shidaal iyo tamar oo ay ka wado Geeska Afrika.

Warbaahinta Turkiga ayaa soo wariyay in sahamin ay sameeyeen hay’adaha Turkiga ee kheyraadka dabiiciga ah lagu ogaadey kayd shidaal oo lagu qiyaasay inuu gaarsiisan yahay ilaa 20 bilyan oo fuusto – kayd ganacsi ahaan loo faa’iideysan karo.

Sida la sheegay, laba ka mid ah saddexda qaybood ee sahamin laga waday ayaa horey u muujiyey natiijooyin la taaban karo, halka qeybta saddexaad ay wali sahamin ka socoto, balse lagu rajo weyn yahay in iyadana ay leedahay shidaal ku filan oo ganacsi ahaan loo isticmaali karo.

Soo helista kaydkan ballaaran ee shidaalka ayaa kusoo beegmaysa kadib heshiis horey dhex maray Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ku saabsan sahamin iyo horumarinta shidaalka iyo gaaska dhulka hoostiisa ku jira. Heshiiska waxaa fulinaya Shirkadda Shidaalka Turkiga (TPAO) iyo Hey’adda Shidaalka Soomaaliyeed (SPA).

In kasta oo heshiiskan lagu sheegay inuu Soomaaliya u furayo albaabo dhaqaale iyo horumarin tamareed, hadana waxaa soo baxaya dhaleeceyn ku aaddan in Turkiga uu heshiiskan ka helayo faa’iido badan oo ka baxsan dheelitirka labada dhinac. Warbixinnadu waxay sheegayaan in Turkigu helayo ilaa 90% xuquuqda shidaalka iyo gaaska Soomaaliya, iyadoo shirkadaha Turkiga laga dhaafay kharashaadka hore sida lacagaha saxiixa (bonuses) iyo canshuuraha maamulka.

Arrintan ayaa dhalisay dood ku saabsan madax-bannaanida Soomaaliya ee kheyraadkeeda iyo baahida loo qabo in heshiisyada noocan ah loo maro hannaan hufan oo danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed ilaalinaya.

HBN ONLINE TV 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed