Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa shaaca ka qaaday in markabka “Reis Oruc” uu ku wajahan yahay Soomaaliya horaanta todobaadka soo socda, si uu u fuliyo howlo sahamin iyo cilmi baaris ah.
Tani waxay ku timid khudbadada maanta ee intii lagu guda jiray “Shirka Istaraatiijiyada Tamarta” ee caasimadda Ankara ka dhacay.
Wasiirka Tamarta Turkiga ayaa intaa ku daray in markabka “Reis Oruc” uu Soomaaliya u soo wajahan yahay Sabtida soo socota si uu u sameeyo howlo sahamin iyo cilmi baaris ah oo dhanka saliidda iyo gaaska ah.
Al Rais Oruç ayaa la qorsheeyay in ay sahaminta seismic ka bilowdo 3 goobood oo ku yaala aagga dhaqaalaha gaarka ah ee Soomaaliya.
Arrintan ayaa timid ka dib markii Ankara iyo Muqdisho ay bishii July ee la soo dhaafay ku kala saxiixdeen Istanbul heshiis ku saabsan baarista iyo soo saarista shidaalka, iyada oo ay goob joog ka ahaayeen wasiir Bayraktar iyo Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed.
Dowladda Soomaaliaya ayaa sheegtay in meelaha ugu horeeya ee qorshuhu yahay in sahmin laga sameeyo ay ka mid yihiin deegaannada Galmudug, halkaasi oo uu ku yaalo ceel shirkadaha shidaalka soo saara ee dunida ku cusub, kaasi oo Balaayiin shidaal cayriin nuucyadiisa kala duwan ay dhex ceegaagaan, sida uu sheegay Wasiirka Cabdirisaaq.
HBN ONLINE TV

