Turkiga oo shaaciyay xilliga uu bilaabayo shidaaq baarista iyo qodista xeebaha Soomaaliya

Dawladda Turkiga ayaa markii u horreysay muddeysay xilliga ay billaabayso qodiska shidaalka Soomaaliya , kaddib heshiis ay labada dal gaareen bilowgii bishii saddexaad ee sannadkan.

Turkiga ayaa  bilaabaaya sanadka soo aaddan ee  2025-ka, in uu ka  howlgalo shidaal qodis,  kana sameeyo xeebaha Soomaaliya,sida uu sheegay wasiirka tamarta ee dalkaas  Alparslan Bayraktar.

Wasiir Bayraktar ayaa soo bandhigay waqti cad, isagoo yiri; “Waxaa jirta meel ku taal badda Soomaaliya oo aan u aragno inuu ku jiro kayd shidaal, waxaan billaabi doonnaa shaqada, waxaan rabnaa inaan sameyno qodista badda qoto dheer sannadka 2025.”

Turkiga iyo Soomaaliya ayaa bishii hore kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka saliidda iyo gaaska ah, kaasoo sii xoojinaya xiriirka ka dib markii ay ku heshiiyeen heshiis difaac ah sanadkan.

Sida laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga, mugga ganacsiga laba geesoodka ah ee Soomaaliya wuxuu gaaray $187.3 milyan sanadka 2018 iyo $250.85 milyan sanadka 2019.

Isku geynta dhaqaalaha Turkiga ee Soomaaliya ayaa gaaray 100 milyan oo dollar, halka garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Dekedda Muqdisho ay labaduba maamulaan shirkado Turki ah oo Soomaaliya ka howlgala.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed