Turkiga oo sahmin & baaris shidaal ka bilaabaya xeebaha Soomaaliya

Turkiga ayaa xeebaha Soomaaliya u soo diri doona dabayaaqada sanadkan markab sahamin & baaris shidaal iyo gaas sameyn doona, taasoo qayb ka ah heshiis iskaashi oo labada dal qalinka horey ugu duugeen, sida uu maanta shaaciyay Wasiirka Tamarta ee Turkiga.

“Waxaan u soo diri doonnaa Soomaaliya markabka Oruc Reis dhammaadka Sebtembar, ama horraanta Oktoobar , wuxuu halkaas ka sameyn doonaa baaris weyn oo socon karta bilooyin” ayuu yiri Wasiirka Tamarta ee Turkiga Alparslan Bayraktar.

Ceelaha shidaalka laga baarayo oo saddex ah ayaa labo ka mid ah waxay 50 kiiloomitir u jiraan xeebaha Soomaaliya,sida uu sheegay Wasiir Bayraktar, iyadoo kan saddexaadna u xeebta u jiro ilaa 100 km.

“Waxaan u maleyneynaa in Soomaaliya ay leedahay kheyraad badan oo shidaal iyo gaaska dabiiciga ah ee xeebaha, waxaan saxiixnay heshiis dhinaca badda ah oo saddex baloog ah, Turkiga wuxuu yeelan doonaa xuquuq gaar ah oo baarista iyo soo saarista marka aan helno shidaalka goobahaas,” ayuu yiri Bayraktar.

Bishii Maarso, Turkiga ayaa Soomaaliya la saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka saliidda iyo gaaska dabiiciga ah, Wasaaradda Tamarta ee Turkiga ayaa sheegtay in ay sii xoojineyso xiriirka labada dal ka dib markii ay heshiis dhanka difaaca ah ku heshiiyeen bishii hore labada dowladood.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed