Wafuud ka kala socota Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah ku kulmi doona dalka Turkiga, taasoo qeyb ka ah dadaallada loogu magacdaray Geedi-socodka Ankara, si loo qaboojiyo xiisadda u dhaxeysa labada dal ee Geeska Afrika.
Kadib booqasho uu ku tagay dalka Itoobiya wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan iyo xiriiro kale oo uu la sameeyay dhinaca Soomaaliya, labada wafdi waxay isugu imaanayaan caasimadda Ankara oo wejigii labaad ee wada-hadallada ay yeelan doonaan maanta oo 12-ka Agoosto ah, halkii markii hore lagu balansanaa 2-da bisha Sembteembar.
Sida laga soo xigtay ilo diblumaasiyadeed, dhinacyadu waxay isku dayi doonaan inay meel dhexe isugu yimaadaan, iyadoo la tixgelinayo baahida iyo walaaca Soomaaliya iyo Itoobiya.
Horaantii bishii Luulyo waxaa magaalada Ankara ka dhacay wareeggii ugu horreeyay ee wada-hadallo toos ah oo u dhexeeya wasiirrada arrimaha dibadda Itoobiya iyo Soomaaliya.
Xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa sii xumaaday tan iyo markii Itoobiya ay heshiis la gashay Somaliland 1-dii Janaayo. Turkiga ayaa dadaal ugu jiray sidii loo soo afjari lahaa xiisadda u dhaxeysa labada dal ee Geeska Afrika.
HBN ONLINE TV

