Turkiga ayaa qaaday tilaabo uu ciidamo badda & maraakiib dagaal u soo dirayo badda Soomaaliya, ka dib markii labada dal ay kala saxiixdeen heshiis cusub oo dhanka difaaca ah horaantii sanadkan.
Madaxweyne Tayyip Erdogan ayaa galinkii dambe ee Jimcaha shalay u gudbiyay baarlamaanka Turkiga mooshin uu ku dalbanayo in la ogolaado in ciidamo Turki ah loo diro Soomaaliya gaar ahaan, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Anadolu ee Turkiga.
Talaabadan ayaa timid maalin ka dib markii Wasaaradda Tamarta ee dalka Turkiga ay sheegtay in sanadkan gudihiisa uu Turkigu u soo dirayo xeebaha Soomaaliya Markab shidaal bare ah oo sahmin iyo baaris shidaalka iyo gaaska sameynaya, taasi oo qeyb ka ah heshiis iskaashi oo dhexmaray labada dal.
Tani waxay sidoo kale imaanaysaa ka dib markii Soomaaliya & Turkiga ay qalinka ku duugeen heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah oo u dhaxeeya labada wadan, kaa soo ay kala saxiixdeen bishii Febraayo loogana gol leeyahay in lagu xoojiyo awoodda difaaca badda Soomaaliya iyo in la dhiso ciidan badeed oo Soomaaliya yeelato.
Heshiiskan qarsoodiga ah ayaa la sheegay in la gaaray iyadoo laga jawaabayo heshiiskii Itoobiya ay la gashay Somaliland bishii Janaayo, kaasoo Addis Ababa ku doonayso in ay saldhig ciidan iyo deked milateri ka sameysato xeebaha Soomaaliya gaar ahaan gobolka Awdal.
Horaantii bishan, Turkiga wuxuu martigeliyay Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Itoobiya, isaga oo isku dayaya inuu dhexdhexaadiyo, xalna laga gaaro xiisadda ka dhalatay is afgaradkii Itoobiya & Somaliland.
Inkastoo kulammada ay ku dhammaadeen is faham la’aan, haddana ilo-wareedyo ayaa warbaahinta u sheegay in Itoobiya, ay muujisay rajo-gelin xooggan oo in laga heshiiya ah, balse Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho arrimahaas.
Horaantii sanadkan, Turkiga iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah, xilli wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya uu booqasho ku tagay magaalada Ankara. Turkiga ayaa sanadihii u dambeeyay noqday saaxiibka dhow ee dowladda Soomaaliya.
Ankara waxay Soomaaliya ka dhistay iskuulo, isbitaallo iyo kaabayaasha dhaqaalaha, waxayna Soomaaliya siisay deeqo waxbarasho oo ay wax ku bartaan Turkiga. Sanadkii 2017, Turkiga waxa uu Muqdisho ka furay Saldhigga ugu weyn ee uu ku leeyahay dibadda. Turkiga ayaa sidoo kale tababaro siiya militariga iyo booliiska Soomaaliya.
HBN Online TV

