Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo dhigiisa Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal iyo ilaalinta midnimada iyo qaranimada Soomaaliya. Laba hoggaamiye ayaa si wadajir ah shir jara’id u qabtay, iyaga oo si adag uga digay tallaabooyinka Israa’iil, isla markaana ku tilmaamay go’aanka Ra’iisul Wasaaraha Benjamin Netanyahu mid cadowtinimo ah oo aan la aqbali karin.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay taageerada joogtada ah ee Turkiga ee ku aaddan ilaalinta midnimada, wadajirka iyo qaranimada Soomaaliya, isagoo ka digay in faragelinta Israa’iil ay wiiqayso xasilloonida bulshooyinka caalamka iyo in ay kor u qaado firfircoonida kooxaha xagjirka ah. Wuxuu sidoo kale ugu baaqay beesha caalamka inay si mas’uuliyad leh uga falceliso arrimahan.
Dhanka kale, Madaxweyne Erdoğan ayaa caddeeyay in Turkigu marnaba gorgortan ka geli doonin ilaalinta qaranimada, midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, isla markaana aanu oggolaan doonin faragelin kasta oo ka timaadda Israa’iil. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah Soomaaliya, Turkiguna uu garab istaagayo midnimada iyo madax-bannaanida dalka.
Madaxweyne Erdoğan ayaa sidoo kale shaaciyay in Turkigu qorsheyneyo dhismaha xarun hawada sare (space center) oo Soomaaliya ka hirgeli doonto, taas oo qayb ka ah iskaashiga istaraatiijiga ah ee labada dal, horumarinta cilmiga, teknoolojiyadda iyo awoodda farsamo ee Soomaaliya.
Erdogan ayaa sidoo kale si rasmi ah u shaaciyay in Turkigu uu qorsheynayo inuu bilaabo hawlgalka qodista shidaalka Soomalaiya sannadka 2026, taasoo ay ku tilmaantay in ay si weyn uga qeyb qaadan doonto horumarka iyo wanaagga shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale, Ankara waxay ku dartay labo markab oo cusub oo qodista badda qoto dheer ah.
Kulankan ayaa qeyb ka ah socdaalada madaxweyne Xasan Sheekh uu ku marayo dalalka dibadda si loo helo xulafo iyo taageero buuxda oo lagu caabinayo go’aanka Israa’iil ee aqoonsiga Somaliland.
HBN ONLINE TV

