Turkiga oo ka hadlay in nidaamka difaaca S-400 la geeyay Soomaaliya

Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa maanta si rasmi ah u beenisay warar sheegaya in nidaamka difaaca S-400 la geeyay Soomaaliya, iyada oo caddeysay in uu qeyb ka yahay hannaanka difaaca gudaha dalkeeda, isla markaana aysan jirin qorshe lagu geeyo meel ka baxsan dhulkooda.

“Nidaamyada difaaca hawada ee S-400 waxaa loo iibsaday si waafaqsan baahiyaha howlgal ee Ciidamada Xoogga Dalka Turkiga, waxayna hadda diyaar u yihiin adeegga. Waxaa sidoo kale la caddeeyay in aysan jirin wax qorshe ah oo lagu adeegsanayo nidaamyada S-400 ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri warka wasaaradda difaaca Turkiga.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu faahfaahiyay howlaha uu Turkigu ka wado Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid yihiin taageeridda dib-u-habeynta iyo dhismaha ciidanka Soomaaliya, ka qeyb qaadashada la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada, ilaalinta khayraadka dhaqaale ee dalka, iyo dhowrista danaha qaran ee Turkiga.

Cilmi-baare Demirtaş Tunç, oo ka tirsan SETA (Hay’adda Daraasaadka Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Bulshada), ayaa sheegay in warar marin-habaabineed iyo macluumaad khaldan oo ay faafinayaan “dalal saddexaad” ay yihiin khatarta ugu weyn ee uu wajahayo xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiye. Wuxuu ku taliyey in la dagaallanka wararkaasi uu la mid yahay sida la-dagaallanka argagixisada iyo Alshabaab.

Demirtaş Tunç ayaa xusay in qaar ka mid ah dhinacyada dibadda, gaar ahaan “dalal saddexaad”, ay doonayaan in Soomaaliya noqoto mid aan xasilloonayn, iyagoo adeegsanaya marin-habaabinta iyo qalabyo kala duwan si dalka loo kala qaybiyo.

Hadalkan waxaa uu Demirtaş Tunç ku sheegay wareysi uu siiyay TRT Afrika, intii lagu jiray dood-cilmiyeed cinwaankiisu ahaa “Xiriirka Türkiye iyo Soomaaliya ee xilliga isbeddelka caalami ah”.

Dood-cilmiyeedka ayaa waxaa soo qabanqaabisay Agaasinka Isgaarsiinta Madaxtooyada Turkiga, waxaana lagu qabtay Ankara, iyadoo diiradda lagu saaray mustaqbalka iskaashiga istiraatiijiyadeed ee labada dal.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed