Turkiga oo ka digay isballaarinta Israa’iil kuna sifeeyay qatar caalami ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in siyaasadaha is-ballaarinta dhulka ee Israa’iil ay khatar ku yihiin gobolka iyo caalamka.
“Arrintani ma ahan dhibaatada Turkiga oo kaliya,” ayuu Fidan ka sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkiga ayaa si adag u muujiyay sida dalkiisu uga soo horjeeda wax uu ku tilmaamay qorshaha isballaarinta ee ay wado Israa’iil.
“Waxaan la tacaali doonaa oo ka guulaysan doonaa caqabadaha caalamiga ah iyo kuwa gobolka ee ay Israa’iil sababtay, annaga oo kaashanayna xulafadeenna gobolka, dalalka caalamiga ah iyo saaxiibadeenna,” ayuu yiri Hakan Fidan.

Wasiirku wuxuu sidoo kale sheegay in wadahadallada xabbad-joojinta ee Gaza ay caqabad ku yihiin dhinacyo caalami ah oo u janjeera inay waqti u dheerayaan Israa’iil halkii ay ka raadin lahaayeen xalka dagaalkaas oo sababay in ka badan 46,000 oo qof oo lagu dilay marinka Gaza.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed