Turkiga oo doonyo ku wareejiyay ciidamada badda Soomaaliya

Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya ku wareejisay doonyo dagaal oo loogu talagalay xoojinta awoodda Ciidanka Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan la dagaallanka burcad-badeedda iyo ilaalinta biyaha dhuleed ee dalka.

Hay’adda Iskaashiga iyo Isku-xirka Turkiga ee TIKA ayaa sheegtay inay sii waddo taageerada ay siiso dalalka saaxiibka la ah ee Afrika, iyadoo ujeeddadu tahay xoojinta awooddooda hay’adeed iyo midda howlgallada. Doonayahan oo gaaraya laba xabo oo ah nuuca roondada ayaa kaqeyb qaadan doona in ciidamada Badda Soomaaliya helaan fursad ay ku tagaan meelo badan oo badda gunteeda ah.

Sidoo kale, TIKA ayaa sheegtay in dayactir iyo dib-u-habayn lagu sameeyay doonyaha roondada ee hoos yimaada Taliska Ciidanka Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo dib loogu soo celiyay xaaladoodii shaqo.

TIKA ayaa tilmaantay in taageeradan ay gacan ka geysan doonto xoojinta howlaha amni ee laga fuliyo biyaha Soomaaliya, iyadoo sidoo kale la filayo inay taageerto oo ilaaliso danaha Jamhuuriyadda Turkiga ee gobolka.

Dhanka kale, warar soo baxaya ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wado qorshe doonyahan uu Turkigu ku wareejiyay loogu diri doono xeebaha Puntland, si ay uga qayb qaataan howlgallada ka dhanka ah Burcad-Badeedda iyo sugidda amniga xeebaha Soomaaliya.

Ilaa hadda, si rasmi ah maamulka Puntland kagama hadlin go’aanka, dhanka dowladda federaalkane si madaxbanaan uma shaacin habka loo adeegsan doono labdaan doono.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed