Turkiga oo Dawlada Soomaaliya ku wareejiyay diyaarado dagaal oo hor leh

Turkiga ayaa toddobaadkan si weyn u kordhiyey taageeradiisa milatari ee Soomaaliya, iyadoo ay socdaan dagaallada lagula jiro kooxda Alshabaab. Tallaabadan ayaa timid kaddib wicitaan telefoon oo dhex maray Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Sabtidii.

Sida laga soo xigtay ilo-wareedyo arrintan la socda, dowladda Turkiga ayaa saddex diyaaradood oo nooca weerarka ah T129 Atak helicopters ku wareejisay dowladda Soomaaliya. Waxaa sidoo kale la siiyay laba diyaaradood oo nooca adeegga gurmadka kuwaas oo loogu talagalay ciidamada badda ee Soomaaliya. Dhammaan hubkan waxaa qeyb ka ah heshiis iskaashi difaac oo labada dal kala saxiixdeen bishii Febraayo 2024, kaas oo sidoo kale dhigaya in Turkigu gacan ka geysto dhismaha ciidanka badda Soomaaliyeed.

Duuliyaal Soomaaliyeed ayaa muddo sanad ah tababar u qaadanayey duulista diyaaradaha Atak ee Turkiga, waxaana diyaaradaha la keenay kadib markii ay dhammaysteen tababarkooda heerka ugu dambeeya. Xog laga helay ilo furan oo lagu daba-galo dhaqdhaqaaqa diyaaradaha ayaa muujisay in toddobaadkii la soo dhaafay diyaarado Turki ah oo A400M ah iyo kuwa Qadar laga leeyahay ee C-17A ah ay soo gaareen magaalada Muqdisho, waxaana la rumeysan yahay in ay keeneen diyaaradahaas dagaalka.

“Dirista diyaaradaha Atak ee Soomaaliya waxay muujinaysaa in Ankara aysan kaliya hub siinayn Soomaaliya, balse ay rabto in ay dhisto awood milatari oo isku dhafan,” ayuu yiri ilo xog ogaal u ah arrintan.

Intii ay socotay wada hadalkii khadka telefoonka, Madaxweyne Erdoğan wuxuu mar kale muujiyey in Turkiga ka go’an tahay horumarka Soomaaliya, iyadoo loo marayo dimuqraadiyadda iyo taageerada dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Madaxtooyada Turkiga ayaa sheegtay in taageeradan ay sii socon doonto, islamarkaana la ballaarin doono.

Bishii Abriil, shabakada wararka ee Middle East Eye ayaa daabacday in Turkigu si weyn u kordhiyey tirada ciidamadiisa jooga Muqdisho, isagoo labanlaabay ilaa in ka badan 500 askari. Ciidamadan ayaa loo xilsaaray sugidda amniga saldhigga milatari ee Turkiga ee Turksom, hawlgalinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), iyo ilaalinta dekeda Muqdisho & Garoonka Diyaadaraha Muqdisho.

Inkastoo diyaaradaha Bayraktar TB2 ee Turkiga ay horay u shaqeynayeen Soomaaliya, Ankara ayaa dhawaan hawlgalisay laba diyaaradood oo ah nooca horumarsan ee Akinci drones. Kuwani waxay awood u leeyihiin inay hawlgalaan habeen iyo maalin, waqti dheerna hawada ku jiraan, taas oo ka dhigaysa kuwo aad ugu habboon dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah.

Taageerada sii kordheysa ee Turkiga ayaa ku soo beegmaysa xilli Mareykanku hoos u dhigay taageeradiisa milatari ee Soomaaliya. Inkastoo Mareykanku kordhiyey duqeymaha cirka ee uu la beegsanayo kooxaha la xiriira Daacish ee Soomaaliya, wuxuu bishii Maarso joojiyey maalgelinta unugga Danab – oo ah cutubka khaaska ah ee muhiimka u ahaa dagaalka Alshabaab.

Tani waxay muujinaysaa in Turkigu doonayo in uusan dhicin farqi amni ah, isagoo ballaarinaya saameyntiisa xilli awoodaha kale ay sii yaraanayaan.

Xiriirka qoto dheer ee u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya wuxuu bilaabmay sanadkii 2011, markaas oo Madaxweyne Erdoğan uu booqasho lagu sifeeyay mid bani’aadanimo uu ku yimid Muqdisho. Tan iyo markaas, xiriirka labada dal wuxuu u gudbay mid dhanka amniga iyo dhaqaalaha ah.

Sanadkii 2023, Turkiga wuxuu heshiis la galay Soomaaliya oo ku saabsan sahminta iyo qodista shidaalka. wallow aan weli si rasmi ah loo shaacin natiijada sahanka, Madaxweyne Erdoğan ayaa Isniintii sheegay in “war wanaagsan” laga yaabo in dhawaan laga maqlo arrimaha tamarta, taas oo dhalisay saadaal cusub oo sheegaysa in laga yaabo in la helay kheyraad muhiim ah.

Iyadoo Soomaaliya ay weli la daalaa-daceyso xasillooni la’aan gudaha ah, Turkiga oo kordhinaya saldhiggiisa milatari iyo dhaqaale wuxuu muujinayaa sida uu uga go’an yahay iskaashi waqti dheer ah – mid ka dhan ah xagjirnimada isla markaana taageeraya horumarka kheyraadka dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed