Turkiga oo Ciidamo u soo diraya Soomaaliya iyo Qaar ka mid ah mucaaradka dalkaasi oo ka soo horjeestay

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidamo Turki ah ay imaan doonaan xeebaha Soomaaliya, iyaga oo caawinaaya maraakiibta sahanka shidaalka ka sameynaysa Soomaaliya.

Qaar ka mid ah mucaaradka Turkiga gaar ahaan kuwa ku jira baarlamaanka dalkaas ayaa waxay walaac kamuujiyeen soojeedintii dhawaan uu golaha baarlamaanka geeyay madaxweynaha dalkaas Recep Tayyip Erdoğan eek u adanaa in ciidamada badda Turkiga la geeyo Soomaaliya.

Ciidamadaas oo la sheegay in ay milatariga ka imaan lahaayeen ayuu soo jeediyay madaxweynuhu in loo daabulo si ay u caawiyaan maraakiibta sahanka shidaalka ka sameynaysa Soomaaliya.

Mid ka mid ah ragga ugu tunka wayn mucaaradka oo ah ku xigeenka madaxa xisbiga Dadka Jamhuuriga ah ee Turkiga oo lagu magacaabo Yankı Bağcıoğlu, ayaa ka digay in ciidamo loo diro biyaha Soomaaliya, isaga oo sheegay in ay qatar galineyso hawlgallada milatari ee haatan socda.

“In ciidamo hubaysan oo Turki ah loo daabulo aagagga biyaha Soomaaliya waxay qatar galineysaa hawlggaladeena haatan socda iyo amniga qaranka. Qatarta uu horseedi karo mooshinkaan waa in si baaxad leh looga fiirsada,” ayuu yiri Bağcıoğlu oo baahiyay warkaan oo qoraal ah.

Hadalka siyaasigaan Turkiga ah ayaa waxa uu imaanayaa xilli madaxweynaha Turkigu uu Jimcihii horgeeyay baarlamaanka in ay ansixiyaan soo jeedin ku saabsan in in ciidamo Turki ah oo badeed la geeyo Soomaaliya.

Arrintaas ayaa timid kadib markii dawladda Turkiga ay ku dhawaaqday heshiis sahmin iyo qodis shidaal ah dawladda federaalka Soomaaliya. Waxa kale oo ay sheegtay dawladdu in ay hawlgalkii lagu sameyn lahaa hawshaan uuna dhawaan ka bilaaban doono Soomaaliya.

Dhanka kale Bağcıoğlu waxa uu sheegay in ay tahay in baarlamaanku xeerayo qatarta ururka al Shabaab ee xulafada la ah al Qaacida iyo sidoo kale khilaafka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Gobolkeena dab ayaa ku shidan, maraakiibta aan diri doono saameyn taban ayay ku yeelan doonaan badbaadadeena,” ayuu ku yiri qoraalka uu daabacay Bağcıoğlu.

 

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed