Dowladda Turkiga ayaa si cad u xaqiijisay taageeradeeda joogtada ah ee ku aaddan amniga, iyo horumarka Soomaaliya, oo ay ku jiraan midnimada, wadajirka dhuleed iyo madaxbannaanidiisa, kadib kulan sare oo yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo safiirka Ankara u fadhiya Muqdisho Alper Aktaş.
Kulanka oo ka dhacay madaxtooyada Soomaaliya ayaa la sheegay in diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo sii ballaarinta iskaashiga u dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, iyo xasilloonida gobolka geeska Afrika iyo Caalamka.
Dhinaca Turkiga ayaa mar kale adkeeyay sida Ankara uga go’an tahay taageeridda dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, xasilloonida, iyo midnimada qaran ee Soomaaliya, iyadoo la tixgelinayo iskaashi istiraatiiji ah oo sii xoogeysanaya.
“Intii uu socday kulanka, waxaan mar kale adkaynay taageeradeena joogtada ah ee ku aaddan midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, ilaalinta madaxbannaanideeda, amnigeeda iyo barwaaqadeeda” ayaa lagu yiri qoraal la soo baxay safaaradda Turkiga ee Soomaaliya.
Sidoo kale, Safiirka Turkiga ayaa uga mahadcelisay Madaxweynaha Soomaaliya kulankii uu ka ajiibay ee isaga iyo wafdigiisa la yeesheen, iyagoo muujiyay inuu kor u qaadayo xiriirka laba geesoodka ah ee Muqdisho iyo Ankara.
Dhanka kale, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah xubnaha mucaaradka ah ayaa ka falceliyay mowqifka Turkiga ee lagu muujiyay taageerada Soomaaliya, balse isu u dhigay mid u gaar ah Mdaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna sheegay in arrintaasi ay dirayso fariin siyaasadeed oo xasaasi ah xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad kala-guur ah iyo muran dastuuri ah.
Wuxuu ku adkeystay in xiriirka caalamiga ah, gaar ahaan kan Turkiga, uu noqdo mid ku saleysan taageerada dowladnimada, dastuurka iyo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, halkii uu ka noqon lahaa mid lagu garab istaago sida uu ku dooday dhinac gaar ah xilli khilaaf siyaasadeed jiro.
HBN ONLINE TV

