Dowladdaha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo cusub oo kor u qaadaysa iskaashiga tamarta ee ka dhexeeya labada dal, ka dib kulan looga hadlayey halka uu marayo baarista shidaalka Soomaaliya oo heer wasiiro ah uu ka dhacay Wasaaradda Tamarta ee Turkiga.
Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Batroolka iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Soomaaliya Daahir Shire Maxamed iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda Turkiga.
Intii uu socday kulanka, labada dhinac ayaa si qoto dheer uga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada tamarta iyo khayraadka dabiiciga ah, gaar ahaan sahminta iyo soo saarista shidaalka ee Soomaaliya.
Kulanka ka dib, shirkadda qaranka ee Turkish Petroleum Corporation (TPAO) iyo Maamulka Batroolka Soomaaliya (SPA) ayaa kala saxiixday “Heshiiska Sahaminta iyo soo saarka Macdanta ama kheyraadka dabiiciga ah ee saliidda iyo gaaska ee Soomaaliya.”
Heshiiskan ayaa shirkadda TPAO siinaya xuquuq ay ku fulin karto sahamin shidaal oo dhuleed oo lagu cabirayo 2D iyo 3D, taasoo laga samayn doono saddex goobood oo ku yaalla gudaha Soomaaliya, kuwaasi oo dhul ahaan gaaraya 16,000 oo kiiloomitir oo laba jibbaaran.
Marka la dhammeeyo sahankaas, shirkadda TPAO ayaa qorsheynaysa in ay bilowdo hawlo qodis shidaal, iyadoo ka duuleysa xogta iyo macluumaadka ka soo baxa sahankaasi.
“Waxaan rajeynayaa in wajigan cusub ee aan ka bilaabay gudaha dhulka Soomaaliya, kadib guulihii laga gaaray hawlihii badda, uu noqdo mid barako iyo horumar u horseeda labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga” ayaa lagu yiri warkan oo la soo dhigay bogga X ee wasiirka Tamarta Turkiga Alparslan Bayraktar.
Masuuliyiinta Turkiga ayaa muujiyay in heshiiskan uu yahay mid kor u qaadaya xiriirka istiraatiijiyadeed ee labada dal, isla markaana ka dhigaya Soomaaliya goob muhiim u ah maalgashiga tamarta ee gobolka.
Waxaa la rajeynayaa in heshiiskan uu noqon doono mid wax weyn ka tari doona horumarka dhaqaale, shaqo abuurka iyo ka faa’iideysiga khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya, iyadoo sidoo kale sare loo qaadayo iskaashiga Turkiga iyo Soomaaliya ee dhinacyada kala duwan.
HBN ONLINE TV