Wasiirka Warshadaha iyo Teknoolojiyadda dalka Turkiga, Mehmet Fatih Kacir, ayaa sheegay in la dhammeystiray daraasadaha suurtagalnimada iyo naqshadeynta saldhigga hawada sare ee Turkigu ka hirgelinayo Soomaaliya, isla markaana uu billowday wejiga koowaad ee dhismaha mashruuca.
Hadalkan ayaa yimid kaddib markii Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, uu Talaadadii shalay ku dhawaaqay dhismaha saldhig hawada sare oo laga hirgelinayo Soomaaliya, xilli uu shir jaraa’id wadajir ah kula yeeshay magaalada Istanbul Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Saldhigga hawada sare waa goob laga daah-furo ama laga qaabilo dayax-gacmeedyada iyo qalabka hawada sare, isagoo la mid ah dekedaha maraakiibta ama garoomada diyaaradaha. Isagoo la hadlayay Wakaaladda Wararka Anadolu, Wasiir Kacir ayaa sheegay in dhismaha saldhigga uu ka socdo dhul ay Soomaaliya u qoondeysay Turkiga, kaasoo ku saleysan heshiis iskaashi oo labada dal kala saxiixdeen.
“Daraasadaha suurtagalnimada iyo naqshadeynta mashruuca waa la dhammeystiray, waxaana hadda billowday wejiga koowaad ee dhismaha,” ayuu yiri wasiirku.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay in dalalka ku yaalla dhulbaraha ay leeyihiin faa’iidooyin farsamo oo la xiriira gelitaanka hawada sare, isagoo xusay in natiijada daraasadaha lagu ogaaday in Soomaaliya ay tahay goobta ugu habboon ee lagu maalgelin karo saldhig hawada sare.
Wasiir Kacir ayaa yiri: “Dhismaha saldhig hawada sare oo uu leeyahay Turkigu waa tallaabo istiraatiiji ah oo dalkeenna ka dhigi doonta mid ka mid ah dalalka madax-bannaan, tartan kula jira dunida, isla markaana saameyn caalami ah ku leh hawlaha hawada sare. Maalgashigan wuxuu yeelanayaa faa’iidooyin waqti dheer ah iyo saameyn dhaqaale oo ballaaran oo ku saabsan warshadaha hawada sare.”
Wuxuu intaas ku daray in mashruucan uu suurta-gelin doono in dayax-gacmeedyo si buuxda gudaha Turkiga looga sameeyay loo daah-furo si madax-bannaan, taasoo abuureysa jawi warshadeed oo waara isla markaana tartan leh, gaar ahaan tiknoolajiyada daah-furka dayax-gacmeedyada.
Ugu dambeyn, Wasiirka Turkiga ayaa carrabka ku adkeeyay in saldhigga hawada sare uu sanadba sanadka ka dambeeya kordhin doono adeegyada daah-furka dayax-gacmeedyada ganacsiga, tijaabooyinka farsamo iyo hawlaha isku-xirka qalabka, isagoo noqon doona kaabeyaal istiraatiiji ah oo dakhli u soo saara Turkiga, isla markaana ka qeyb qaata horumarka iyo kobaca Soomaaliya.
HBN Online TV

